Seddax dumar ah oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Dalka Filand.

Monday December 05, 2016 - 19:55:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seddax dumar ah oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Dalka Filand.

    Wararka ka imaanaya Wadanka Filand ayaa waxay sheegayaan in Seddax dumar ah lagu dilay toogasho habeenkii Axadda ka dhacday degmada Imtara ee ku dhow Xuduudda Wadanka Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Wadanka Filand ayaa waxay sheegayaan in Seddax dumar ah lagu dilay toogasho habeenkii Axadda ka dhacday degmada Imtara ee ku dhow Xuduudda Wadanka Ruushka.

Toogashada waxay dhacday kadib markii Seddaxdan dumarka ah ay kasoo baxeen goob Maqaaxi ah, iyadoona Booliisku ay sheegeen inay qabteen Nin 23 jir ah oo loo maleynayo inuu toogashadaasi ka dambeeyay.


Mid ka mid ah dumarka la toogtay ayaa aheyd Gudoomiye Gole deegaan, halka labada kalena ay ahaayeen Wariyeyaal, iyadoona Saraakiisha Booliisku ay sheegeen in Ninka geystay falka toogshada ah ay horey dhowr jeer u qabteen Ciidamada Ammaanka, isagoo loo heystay falal dembiyeedyo kala duwan.



Sarkaal ka tirsan Bileyska oo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in Qoriga uu adeegsaday Ninka toogshada geystay uu ahaa hub si sharci a u diiwaan gashan, balse wuxuu tilmaamay inuusan iska laheyn ruuxa lagu soo eedeeyay inuu toogashadaasi ka dambeeyay.


” Wuxuu riday Afar illaa iyo Shan xabadood, illaa iyo haddana waxaa noo muuqanaya in dadka uu laayay uu ka toogtay madaxa iyo feeraha, una beegaday si aan kala sooc laheyn” ayuu hadalkiisa kusii daray Mas’uulka u hadlay laamaha Ammaanka ee Dowladda Filand.

Dalka Filand kama mid ah Waddamada ay inta badan ka dhacaan falalka toogashooyinka ah ee ay geystaan dadka hubeysan, hase yeehee dadka ku nool dalkaasi ayaa badankood waxay heystaan hub ay ku ugaarsadaan oo si sharci ah ugu diiwaan gashan Dowladda.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa waddamada Yurub kusoo badanayay falalka toogashooyinka ah, iyadoona ay ugu dambeysay toogasho dhowr maalmood ka hor ka dhacday Wadanka Sweden halkaas oo rag aan weli heybtooda la aqoonsan ay ku dileen Laba Wiil oo Soomaali ah oo walaalo ahaa.

Xigasho: Amiirnuur.com

Related Items