Dowladda Malaysiya oo Ku Baaqday in Faragelin Lagu Sameeyo Wadanka Baarma si loo Badbaadiyo Muslimiinta

Monday December 05, 2016 - 09:51:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Malaysiya oo Ku Baaqday in Faragelin Lagu Sameeyo Wadanka Baarma si loo Badbaadiyo Muslimiinta

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Malaysiya ayaa lagu cambaareeyay xasuuqa daran ee ciidanka Dowladda Baarma ku hayaan Muslimiinta Rohinga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Malaysiya ayaa lagu cambaareeyay xasuuqa daran ee ciidanka Dowladda Baarma ku hayaan Muslimiinta Rohinga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Malaysiya ayaa ku baaqday in faragelin degdeg ah lagu sameeyo wadanka Baarma si loo badbaadiyo boqolaal kun muslimiin ah oo xasuuq daran kala kulmaya meleteriga iyo Booliska Baarma.

Xukuumadda Malaysiya waxay sheegtay in isir sifeyn aan loo aaba yeelan lagu haayo muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingga taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin oo loo baahanyahay in si degdeg ah loo joojiyo.


Malaysiya waxay ugu baaqday dowladaha ku midaysan Ururka Koonfur Bari Aasiya in ay tallaab haboon qaadaan si loo ilaaliyo amniga mandiqadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Malaysiya ayaa sheegay in ay lasoo baxeen safiirkii ka joogay wadanka Baarma islamarkaana ay baajiyeen ciyaar kubadda cagta ah oo labada wadan dhaxmari laheyd sababa la xiriira xasuuqa daran ee muslimiinta Rohinga ay ku hayso xukuumadda Buundhiista Baarma.

Warka kasoo baxay Malaysiya waxaa durbadiiba ka jawaabtay dowladda Baarma oo u baaqday dowladaha qaaradda Asia in aan faragelin lagusoo sameyn wadankeeda.

30-kii maalmood ee lasoo dhaafay kumanaan ruux muslimiin ah lagu dilay weeraro bahalnimo ah oo ciidanka dowladda Baarma iyo kooxo Buudhiistayaal ah ku qaadeen guryo ay deganyihiin dadka muslimiinta Rohinga iyadoona labara kiciyay kumanaan kale.

Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa isbuucii lasoo dhaafay bayaan ay soo saartay uga hadashay xasuuqa Muslimiinta Baarma iyadoona dowladaha caalamka islaamka ugu baaqday in ay xiriirka ujaraan Nidaamka dhiigya cabka ee Baarma ka taliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items