OPEC oo Go'aamisay in Malaayiin Barmiil laga dhimo Shidaalka sida Maalinlaha ah loo soo saaro.

Thursday December 01, 2016 - 11:38:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    OPEC oo Go'aamisay in Malaayiin Barmiil laga dhimo Shidaalka sida Maalinlaha ah loo soo saaro.

    Kadib kulan ay isugu yimaadeen dhammaan dowladaha ku bahoobay Ururka OPEC ayay kasoo saareen go'aan wax badan ka bedelay sicirka lagu kala iibsado shidaalka caalami ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ay isugu yimaadeen dhammaan dowladaha ku bahoobay Ururka OPEC ayay kasoo saareen go'aan wax badan ka bedelay sicirka lagu kala iibsado shidaalka caalami ahaa.

Dowladaha ku mideysan OPEC ee soo saara shidaalka ugu badan caalamka ayaa isku raacay in la dhimo shidaalka ay sida maalinlaha usoo saaraan, arrinkaas oo durbadiiba sababay sare ukac ku yimid shidaalka adduunka.

Max’med Bin Saalax Al-saadah oo ah wasiirka Batroolka dowladda Qadar ahna guddoomiyaha Ururka OPEC ayaa warbaahinta u sheegay in dowladaha shidaalka soo saara ay isku raaceen in ladhimo maalin walba 1,2 Milyuun oo Bariil si suuq wanaagsan loogu helo dahabka madoow oo ah shidaalka ay soo saaraan dowladaha dhaqaalahoodu uu ku tiirsanyahay batroolka.


Kadib go’aanka OPEC durbadiiba sare ukac ayaa laga dareemay seyladaha shidaalka adduunka, 8,4% ayaa la sheegay in uu sare ukacay qiimaha shidaalka gaar ahaan Baziinka.

Dowladda Sacuudiga oo ah dowladda ugu tunka weyn ee soo saarta shidaalka caalamka ayaa dhankeeda sheegtay in 500-kun Barmiil ay maalin walba dhimi doonto.

Dowladda Ruushka ayaa iyana sheegtay in 300-kun barmiil ay dhimi doonto waxsoo saarkeeda shidaalka maalin walba inkasta oo Ruushka uusan xubin ka aheyn ururka OPEC.

Shir bila ka hor ka dhacay wadanka Al Jazaa’ir ayay dowladaha OPEC ku sheegeen in xal waara ka gaari doonaan hoos udhaca ballaaran ee ku yimid shidaalka adduunka.

Waa hoos u dhicii ugu ballaarnaa ee lagu sameeyo soo saarka shidaalka adduunka tan iyo sanaddii 2008 xilligaas oo dowladaha soo saara shidaalka ay ku heshiiyeen in ay hoos u dhigaan xaddiga shidaalka ay soo saaraan si dhaqaalahoodu usoo kabsado.

Related Items