Laba Askari Turki ah oo Lagu Qafaashay Waqooyiga Wadanka Suuriya.

Wednesday November 30, 2016 - 12:01:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Askari Turki ah oo Lagu Qafaashay Waqooyiga Wadanka Suuriya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka melleteriga Turkiga ayaa lagu sheegay in laba askari lagu la'yahay gudaha wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka melleteriga Turkiga ayaa lagu sheegay in laba askari lagu la'yahay gudaha wadanka Suuriya.



Dowladda Turkiga waxay sheegtay in uu go’ay xiriirkii kala dhaxeeyay labada askari xilli ay howlgal melleteri ka wadeen Bariga gobolka Xalab ee waqooyiga wadanka Suuriya.

Ilo wareedyo ayaa Telefeshinka Al Jazeera ee Afka carabiga ku hadla u sheegay in laba Askari Turki ah iyo ciidamo katirsan Mucaaradka dhax-dhaxaadka Suuriya ay weerar dhabagal ah kala kulmeen xoogag hubeysan meel ku dhow magaalada Al-babaab iyadoona gacanta lagu dhigay dhammaan ciidanka huwanta ah.




Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha qumaatiga ukaca ee Turkiga ay dul heehaabayaan magaalada Al-baab iyo tuulooyinka hoos yimaad waxayna baadi goob ugu jiraan askarta la qafaashay.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka ah isbahaysiga NATO ee duullaanka ku qaaday wadanka Afghanistan sidoo kale Turkiga ayaa kumanaan katirsan ciidankiisa u diray waqooyiga Suuriya wuxuuna hoggaaminayaan Howlgala Darcul Furaat ee islaamiyiinta looga qabsaday magaalooyinka Jaraabulis iyo Alraaci.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items