Dowladda Ruushka oo Sheegtay in Ciidanka Nidaamka Suuriya Qarka u saaranyihiin Qabsashada Magaalada Xalab.

Monday November 28, 2016 - 20:52:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ruushka oo Sheegtay in Ciidanka Nidaamka Suuriya Qarka u saaranyihiin Qabsashada Magaalada Xalab.

    Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in 40% xaafadaha dhaca Bariga Magaalada Xalab ay gacanta ugaleen ciidamada Nidaamka Bishaar Al-Asad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in 40% xaafadaha dhaca Bariga Magaalada Xalab ay gacanta ugaleen ciidamada Nidaamka Bishaar Al-Asad.

Ciidamada Bashaar Al-Asad iyo Maleeshiyaadka Shiicada ah ee taageeraya ayaa qabsaday qaar ka tirsan Xaafadaha kuyaalla bariga magaalada Xalab ee Wadanka Suuriya.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Kooxaha kacdoonka ee dalka Suuriya ayaa sheegay in Ciidamada Nidaamka Nuseyriga iyo Maleesiyaadka Shiicada ah ee ay taageerayaan inay qabsadeen Xaafadaha Masaakin hanaano iyo Jabal Baduur ee bariga magaalada Xalab ee waqooyiga dalkaasi.


Iska hor imaado culus ayaa hadda waxay ka soconayaan hareeraha Xaafadda Al-Saakhuur, iyadoo Ciidamada Nuseyriyada ay isku dayayaan inay kala jaraan Xaafadaha ay Kacdoon wadayaashu kaga sugan yihiin magaalada.

Ilo wareedyadu waxay intaas ku darayaan in Nidaamka Bashaar Al-Asad uu dagaalka u adeegsanayo Maleeshiyaad Iiraaniyiin ah iyo kuwa kale oo Ciraaqiyiin ah, iyadoona howl-gallada ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Meliteriga Ruushka ee ku sugan dalka Suuriya.

Dagaalka waxaa bar bar soconaya duqeymo xooggan oo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee Ruuhska, waxaana duqeymo dhaliyay khasaare lixaad leh ay ka dhaceen Xaafadaha kala ah Al-Xeydariyah, Al-Halak, Sheekh Faaris iyo Xaafadda Al-Saakhuur.

Wakaaladda wararka ee Anadol ayaa sheegtay in dagaal yahannada Kacdoon wadayaasha ay isaga baxeen Shan Xaafadood oo kuyaalla bariga magaalada Xalab, kadib Seddax maalmood oo ay halkaas ay ka dhacayeen dagaallo culus, iyadoo duqeymaha xad dhaafka ah ay keeneen in Xoogagga Mucaaradka ay ka banneeyaan furimihii ay ku sugnaayeen.

Inkabadan 250 kun oo ruux ayaa ku nool deegaanada ay Kacdoon wadayaashu ka taliyaan ee bariga magaalada Xalab, waxaana dadkaasi ay wajahayaan xaalad aad u adag oo dhanka nolasha ah, iyadoona albaabada loo laabay qaar ka tirsan Isbitaallada iyo goobaha Caafimaadka ee lagu daweyn jiray dadka kusoo waxyeelooba duqeymaha.

Qabsashada Ciidamada Nuseyriyada iyo Maleeshiyaadka ay taageerayaan ee dhowr Xaafadood oo ka tirsan magaalada Xalab waxay kusoo beegmeysaa kadib duullaan ballaaran oo ay soo qaadeen dhamaadkii bishii lasoo dhaafay, kaasi oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan qaar ka tirsan deegaannada ay Kooxaha kacdoon wadayaasha kaga sugan yihiin magaalada.






Related Items