Daawo:Magaalooyinka iyo Deegaanada Yahuudu degto ee Dhulka Filasdiin oo Wali Gubanaya.

Saturday November 26, 2016 - 19:19:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Magaalooyinka iyo Deegaanada Yahuudu degto ee Dhulka Filasdiin oo Wali Gubanaya.

    Dhulka Filasdiin ee Yahuuddu xoogga ku heysato waxaa sii xoogeystay dabka ka kacay magaalooyinka iyo deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka Yahuudda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhulka Filasdiin ee Yahuuddu xoogga ku heysato waxaa sii xoogeystay dabka ka kacay magaalooyinka iyo deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka Yahuudda ah.

Wararka ka imaanaya Filasdiin waxay sheegayaan in dab si xowlli ah ku socda uu kusii faafayo dhulka keymaha ah iyo magaalooyinka.

Wasaaradda arrimaha gudaha Yahuudda waxay ku dhawaaqday in 60-kun oo qof laga daad gureeyay magaalada Al-qudus halka 15-kun oo qof laga daad gureeyay magaalada Xeyfa iyo deegaanada hoos yimaad.

Dabka ayaa sababay khasaara malaayiin dollar ah waxaana gubtay dhul beereed dadku Yahuuddu lahaayeen,gooba ganacsi guryo iyo warshada waaweyn oo dhaqaale xooggan maalin walba uu kasoo geli jiray dadka Yahuudda ah.



Maamulayaasha Banuu Israa’iil waxay sheegayaan in dabka oo si xowlli ah ku socda uu kusii fidayo deegaano hor leh, waxaa guul darreystay isku dayo dab damis ah oo sameynayeen diyaarado laga leeyahay dowlado ay kamid yihiin Turkiga,Masar,Qubrus iyo Mareykanka.

R/wasaaraha Yahuudda ayaa Musiibada ku habsatay Yahuudda ku eedeeyay in ay Mas’uul ka yihiin muslimiinta Carabta ee Filasdiin ku nool balse ma faah faahin sababta ay mas’uul uga yihiin.

Qeybaha kala duwan ee Ururada Kacdoonka Filasdiin ayaa soo dhoweeyay musiibada ku habsatay Yahuudda xoogga lagu dajiyay dhulalka muslimiinta waxayna ku tilmaameen Ciqaab Rabaani ah oo Alle ku salliday Yahuudda Sahyuuniyadda ah.

Hoos Ka Daawo Video iyo Warbixin ku saabsan Gubashada Yahuudda.


Liibaan Jexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items