Fidel Castro Madaxweynihii Cuba oo Geeriyooday.

Saturday November 26, 2016 - 19:19:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fidel Castro Madaxweynihii Cuba oo Geeriyooday.

    War rasmi ah oo kasoo baxaya Xukuumadda Cuba ayaa lagu xaqiijiyay in uu geeriyooday hoggaamiyihii hore ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxaya Xukuumadda Cuba ayaa lagu xaqiijiyay in uu geeriyooday hoggaamiyihii hore ee wadankaasi.

Teleshinka Afka dowladda ku hadla ayaa baahiyay war uu ku sheegayo in uu dhintay hoggaamiyihii Kacaanka Kuuba (Cuba) Fidel Castro.

Madaxweynaha Cusub ee Cuba Ra'uul Castro oo ay walaala yihiin Fidel ayaa warbaahinta xukuumadda ka sheegay in Fidel uu dhintay Xalay saacadda Maxalliga Cuba markii ay ku beegneed 22:30 daqiiqo.

Hoggaamiyaha halaagsamay ee wadanka Cuba Fidel Castro ayaa sanaddii 1959-kii aas aasay dowlad shuuci ah kadib markii uu inqilaab melleteri ku riday xukuumad dimuquraadi ah oo Bah-wadaag la aheyd Mareykanka.


Fidel Castro ayaa caan ku ahaa abuurista cadaawaddii kala dhaxaysay Mareykanka, muddo 50 sanadood ah cilaaqaadka Cuba iyo Mareykanka ayaa ahaa mid aad u xun balse sanaddii lasoo dhaafay ayay xiriirkooda si caadi ah usoo ceshadeen labada wadan.

Tobankii sanadood ee lasoo dhaafay Castro wuxuu ku jiray isbitaal kadib markii uu xanuun soo ritay wuxuu awoodi waayay in uu sii wado shaqada madaxtinimo, sanaddii 2008 ayuu taliska melleteriga Cuba talada wadanka ku wareejiyay Nin ay wada dhasheen Fidel Castro.

Cuba ayaa wax ka badan 50 sanadood go'doon ka aheyd caalamka intiisa kale balse Brack Obama hoggaamiyaha Mareykanka ayaa cunaqabateyntii saarneed ka qaaday Cuba laakin wadanku wali kamasoo kabsan dhibaatadii ka gaartay xaaladda go'doonka ah , tirakoob la sameeyay ayaa sheegaya in kalabar dadka reer Cuba ay yihiin faqri sababa la xiriira cunaqabateynta wadanka saaran muddo nus qarni ah oo kala daadisay dhaqaalihii bulshada iyo kaabayaasha muhiimka ah dakhliga guud ee xukuumadda.


This combo of three file photos shows Fidel Castro, from left; smoking a cigar in Havana, Cuba, April 29, 1961; speaking to the media while on a mission to collect Elian Gonzales in Washington, D.C., April 6, 2000; and at his Havana home on Feb. 13, 2016.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items