Xildhibaan Geeriyooday isagoo Khasaaray oo Lacago Dayma Ah Lagu Leeyahay.

Monday November 21, 2016 - 06:39:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Geeriyooday isagoo Khasaaray oo Lacago Dayma Ah Lagu Leeyahay.

    Xildhibaankii ugu horreeyay ee katirsan Baarlamaanka cusub ee dowladda Federaalka ayaa dhintay isagoo aan ka qeyb gelin doorashada madaxtinimo ee la filayo in la qabto bilaha soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaankii ugu horreeyay ee katirsan Baarlamaanka cusub ee dowladda Federaalka ayaa dhintay isagoo aan ka qeyb gelin doorashada madaxtinimo ee la filayo in la qabto bilaha soo socda.



Daahir Xaaji Geelle oo kamid ahaa siyaasiyiintii lacagaha Laaluushka ah ku bixiyay sidii uu unoqon lahaa Xildhibaan ayaa ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Saraakiil katirsan Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Daahir Xaaji Geelle waxayna sheegeen in Meydkiisa saaka lagasoo helay Hoteel uu ka deganaa magaalada Garoowe.

Ma jirin wax xanuun ah oo uu horay u qabay balse Meydkiisa ayaa la sheegay in saaka lasoo helay isagoo xalay ka qeyb galay munaasabad Caweys ah oo isla hoteelka ka dhacday sida ay sheegeen ehelkiisa.



Xildhibaankan dhintay ayaa sanaddii 2009 kamid noqday Baarlamaanka dowladdii Shariif Sheekh Axmed isagoo markale xildhibaan noqday, Ninkaan dhintan ayaa khasaaray laba jeer khasaarada koowaad ayaa ah lacago Boqolaal kun dollar ah ayuu ubixiyay sidii uu u heli lahaa Kursi Baarlamaan wuxuuna dhintay isaga oo aan ka qeyb gelin doorashada madaxtinimada oo uu filiyay in codkiisa uu lacago malaayiin dollar ku macaasho.

Siyaasiyiinta ku lugta leh arrimaha doorashooyinka waxay sheegayaan in marka qofku utartamayo kuraasta aqalka sare iyo aqalka hoose uu lacago Boqolaal kun dollar ah uu kasoo daysanayo ganacsato iyo Bankiyo isagoo maanka ku haaya in daymahaas uu iska gudi doono marka lagaaro doorashada madaxtinimada.

xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegta in ay yihiin sharci dajiyaal iyagoo sharciga Alle ku bedelay Sharci gacan ku sameys ah oo Mareykanka iyo ingiriiska lagasoo minguuriyay.

Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa sharciyeeyay in raggu isku tagaan haweenkuna ay iska furi karaan raggooda waa Baarlamaanka daaquud ah oo shareecada islaamka diiday islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ku qalqaalinaya in ay gaaloobaan oo ay ka baxaan diinta Islaamka, waa Baarlamaanka cod dheer ku ansixiyay in dalka ay qabsadaan ciidamada shisheeye gaar ahaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo ku gabanaya shaatiga AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items