Dhageyso: Qodobo Muhiim Ah oo Lagasoo Saaray Kulan Dhaxmaray Beesha Biya-Maal iyo Hoggaanka Xarakada Al Shabaab.

Sunday November 20, 2016 - 06:09:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Qodobo Muhiim Ah oo Lagasoo Saaray Kulan Dhaxmaray Beesha Biya-Maal iyo Hoggaanka Xarakada Al Shabaab.

    Degmada Kuunya Barroow ee gobolka shabeelaha Hoose waxaa lagusoo gaba gabeeyay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo beesha Biya-maal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Kuunya Barroow ee gobolka shabeelaha Hoose waxaa lagusoo gaba gabeeyay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo beesha Biya-maal.



Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayay labada dhinac ku qaadaa dhigeen sida laga yeelayo maleeshiyaad Beesha kasoo jeeda oo ciidamada AMISOM ay ku tababareen deegaanada Ceel-Jaalle iyo No.50 ee shabeellaha Hoose kuwaasi oo dagaal lagalay ciidamada Mujaahidiinta.

Kulanka oo ay ka qeyb qaadanayeen salaadiinta iyo Nabadoonada Beesha Biya-Maal iyo mas’uuliyiin katirsan Wilaayada Islaamiga Sh/Hoose ayaa lagasoo saaray qodobo muhiim ah.




Sheekh Abuu Osama oo ah waaliga sh/hoose ayaa sheegay in labada dhinac isku afgarteen in si mid ah loola dagaallamo ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay islamarkaana cafis loo fidiyo maleeshiyaadka Beesha katirsan ee cadawga la shaqeeya haddii ay kasoo baxaan safka AMISOM.

Nabadoonka Beesha Biyamaal ayaa warbaahinta u akhriyay is afgarad dhowr qodob ka kooban oo dhaxmaray beesha iyo Hoggaanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Mas'uuliyiinta Beesha Biya Maal iyo Xarakada Al Shabaab waxay beeniyeen warar ay faafiyeen qaar karirsan warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha oo ku saabsanaa in Biya Maal iyo shabaabul Mujaahidiin ay sh/hoose ku dagaallameen arrinkaas oo ah been aan sal iyo raad laheyn.

Halkan ka dhageyso Qododobada lagu heshiiyay iyo kalimadaha ay dhinacyadu Jeediyeen MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items