Fadeexad kufsi ah oo hareysay Wasaaradda Warfaafinta DF-ka.

Saturday November 19, 2016 - 07:02:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad kufsi ah oo hareysay Wasaaradda Warfaafinta DF-ka.

    Iyadoo hore xubno ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka DF-ka loogu heystay kusfi ay kula kaceen gabdho qaarkood ay Saxafiyyiin yihiin, sidaba uu ku kacay Cabdi Caziz Afrika, ayaa mar kale waxaa isla Wasaaraddaasi hareeray fadeexad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo hore xubno ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka DF-ka loogu heystay kusfi ay kula kaceen gabdho qaarkood ay Saxafiyyiin yihiin, sidaba uu ku kacay Cabdi Caziz Afrika, ayaa mar kale waxaa isla Wasaaraddaasi hareeray fadeexad kale oo kufsi ah.


Video lagu baahiyay baraha bulshada ayay ka soo muuqatay gabadh dhibaato ay ka muuqato oo kashiftay in kufsi uu kula kacay C/Raxiim Ciise Caddow oo mar agaasime ka ahaa Raadiyaha DF-ka.

Inkastoo SomaliMeMo aysan xaqiijin Karin sax ahaan-shaha Video-ga, hadane waxa ka muuqanaya gabadha oo k hadleysa dareen naxdin leh iyadoo sheegeysa in C/Raxiim Ciise uu kula kacay anshax xumo kasii dheer kufsiga caadiga ah.



Cajaladda Video-ga oo ay ka soo muuqatay iyadoo xiran Niqaab oo dalbaneysa garab-istaag ayay sheegeysaa gabadhan dhibbanaha ah in iyadoo shaqo doon ah ay tagtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta balse mas'uulkii ay shaqada ka doonatay ay kala soo kulantay dhibaatadaasi.


"Shaqo Ayaan ku siinayaa ee ii imow ayuu dhahay, markii aan u tagayna bastoolad ayuu igu qabtay, kadibna wuu ikufsaday, inaan dacweynayo markii uu ogaadayna wuu ii sii hanjabayā€¯ ayay tiri gabadha oo ilmeyneysa.

Gabadha ayaa ka codsatay Maamulka DF-ka in uu cadaaladda horgeeyo C/Raxiim Ciise Cadow si lagula xisaabtamo falkaan foosha xun ee uu kacay, waxaana ay sidoo kale Umadda Soomaaliyeed u muujisay ineysan ku kadsoomin shaqsiyaadka Mas'uuliyadda hayya ee maamulka Gurguurte.


Fadeexadda Kufsiga ee C/Raxiim Ciise ayaa dib dadka u soo xusuusineysa fadeexad taas oo kale ah oo sanadii 2013-kii uu geystay C/Caziz Afrika oo ah shaqsi si wajiyo badan kaga dhex-shaqeysta DF-ka isagoo mar ah Saxafi, mar kalena ah xubin firfircoon oo ka tirsan qolyaha Asha-haada La Dirirka ee loogu yeero Nabad Sugidda.

Liibaan Jeexow, SomaliMeMo
Muqdisho, Soomaaliya

[email protected]


Related Items