Maxay Ka Dhigantahay Doorashada Ninka Cunsuriga Ah Ee Donald Trump Dhageyso WAREYSI.

Thursday November 10, 2016 - 06:38:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ka Dhigantahay Doorashada Ninka Cunsuriga Ah Ee Donald Trump Dhageyso WAREYSI.

    Caalamka oo dhan ayaa la yaabay sida Donald Trump uu ugusoo baxay doorashadii madaxtinimada Mareykanka iyadoo la wada ogaa khaladaadka siyaasadeed ee uu ku dhaqaaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka oo dhan ayaa la yaabay sida Donald Trump uu ugusoo baxay doorashadii madaxtinimada Mareykanka iyadoo la wada ogaa khaladaadka siyaasadeed ee uu ku dhaqaaqay.

Cunsuriga Trump marnaba looma saadaalinayn in uu madaxweyne noqdo oo uu hoggaamiyo in ka badan sedax Boqol Malyan oo qof Mareykan ah waxaana loo arkayay siyaasi aan mas'uuliyad qaadi karin.

Trump wax walba oo xumaan ah waa sameeyay laakin wuxuu meesha ka saaray dhammaan saadaalin ay sameeyeen warbaahinta adduunka ugu caansan iyo siyaasiyiin la cirroobay dajinta istiraatiijiyadda maamulka.

Xisbiga Dimuquraadiga ee laga guulaystay kaligiis kuma aheyn fajaca ee xataa siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ma rumaysnayn in Trump uu madaxweyne noqon karay.



Inta badan dowladaha reer Yurub si niyad sami kujirto umasoo dhaweyn Trump waxayna ugu baaqeen in uu isbedel la yimaad oo uu mideeyo dadka Mareykanka ee kala qeybsamay.

Warbaahinta ayaa is weydiisay sababta dadka Mareykanka ay madaxweyne ugu doorteen Nin cunsuri ah oo siyaasaddiisa naceybka banaanka soo dhigtay.

Dadka ugu badan ee uu codadka ka helay Trump waa dadka caddaanka asalka Mareykanka halka soo galootiga madoowga ah iyo Spanish-ka ay u codeeyeen Clinton.

Ninkan xagjirka islaam naceybka ku caanbaxay doorashadiisa waxay ka dhigantahay in bulshada Mareykanka ay isku raacday cunsuriyad waxaana la saadaalinayaa in Mareykanku uu dhiiqo hor leh lugta la geli doono.

Hadaba Maxay ka dhigantahay Doorashada Trump?, su'aashaas iyo su'aala kale waxaa ka jawaabaya siyaasiga C/llaahi Cali Hiirad oo kamid ah soomaalida qurbaha ayaa arrinkaas uga warramay Idaacadda Alfurqaan.

Halkan Guji si aad u dhageysato Wareysiga MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items