Daawo Sawirro: Qabsashadii Ciidamada Mujaahidiinta Ee Deegaanka Goof-guduud Duleedka Magaalada Baydhaba.

Tuesday November 08, 2016 - 08:04:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Qabsashadii Ciidamada Mujaahidiinta Ee Deegaanka Goof-guduud Duleedka Magaalada Baydhaba.

    Xaalad deganaan ah ayaa ka xasishay deegaanka Goofguduud ee gobolka Bay kadib dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhaxmarayay ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Shariif Sakiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaan ah ayaa ka xasishay deegaanka Goofguduud ee gobolka Bay kadib dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhaxmarayay ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Shariif Sakiin.

Gacan ku heynta deegaanka Goof-guduud ayaa maalmihii lasoo dhaafay is bebedelayay balse hadda waxaa deegaanka iyo tuulooyinka hoos yimaad si buuxda umaamulaya ciidamada wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay si buuxda umaamulayaan deegaanka Goofguduud oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Baydhabo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maamulkii islaamiga ahaa uu dib ugusoo laabtay Goof-guduud Manaas oo dadka qaar ay u yaqaanaan Goofguduud Shabeeloow.


Saraakiil katirsan wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool oo goob fagaara ah kula hadlay shacabka ayaa sheegay in amniga deegaanka uu yahay mid sugan.

Idaacadda Andalus ee afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiintu ay si buuxda u maamulayaan deegaanka.

Sawirro lagasoo qaaday deegaanka ayaa muujinaya difaacyadii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka Shariif Sakiin, boqolaal qoys ayaa bilaabay in ay guryahooda dib ugusoo laabtaan.

Goobaha Ganacsiga deegaanka ayaa dib loo furay waxaana lasoo sheegayaa in adeegyada bulshada ay si tartiib tartiib ah dib ugusoo laabanayaan.

Dagaal isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Goof-guduud ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo katirsanaa maamulka Shariif Sakiin.















Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items