Dhageyso: Dukumiinti Caddeynaya Shaxda Soomaaliya Gumeysiga loo Geliyay oo Lasoo Bandhigay.

Tuesday November 08, 2016 - 08:04:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Dukumiinti Caddeynaya Shaxda Soomaaliya Gumeysiga loo Geliyay oo Lasoo Bandhigay.

    Dadka waxgaradka ah ayaa ku dhiiraday in ay soo bandhigaan halka uu salka ku haayo gumeysiga gurrucan ee la geliyay shacabka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka waxgaradka ah ayaa ku dhiiraday in ay soo bandhigaan halka uu salka ku haayo gumeysiga gurrucan ee la geliyay shacabka Soomaaliyeed.

Mid kamida aqoonyahanada Soomaalida qurba joogta ah ayaa helay dukumiinti cusub oo daaha ka feydaya qaabka ay dowladaha shisheeye u kala qeybsadeen dalka Soomaaliya.

Dukumiintiga ayaa caddeynaya in shisheeyuhu ku heshiiyeen in aan la helin dowlad soomaaliyeed oo awood leh islamarkaana dalka laga dhiso dowlad goboleedyo dhaxdooda loolama islamarkaana xuduudaha u ilaaliya Itoobiya.

Aqoonyahanka ayaa tusaale usoo qaatay in dhammaan maamul goboleedyada Itoobiya xiriirka laleh ay dhaxdooda loolamayaan islamarkaana ay cadaw isku yihiin, tusaale ahaan sanado ka hor markii la dhisay maamulka shariif Sakiin ee magaalada Baydhabo ciidan ayuu geeyay deegaanka Jaziira oo dhaca duleedka Muqdisho halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidamo kala taabacsan Koonfur galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir!.


Gaalkacyo waxaa kajira Galmudug iyo Puntland oo Itoobiya xiriir dhow laleh qudhoodana qoorta ayaa laysku geliyay oo dagaal ayaa ka dhax socda.

Dhuusamareeb iyo Cadaado waxaa ka dhisan maamullo Itoobiya dabada kula jira sidaas oo ay tahay dabka iskama qaataane xabad ayaa ka dhaxaysa.

Kismaayo illaa iyo hargeysa sidaas ayay u daadsanyihiin maamul u sheegyada dhaxdooda loolamaya, falsafadda ka dambeysa ayaa ah in soomaalida laga wada dhigo dabadhilifyo Kenya iyo Itoobiya raacsan islamarkaana dhaxdooda loolama oo iska ilaawa qadiyadooda gaarka ah.


Halkan ka dhageyso Dukumiintiga cusub ee caddeynaya gumeysiga Soomaaliya MP3

Isha Maqalka: Idaacadda Alfurqaan

Related Items