Warbixin: Dowlada Kenya Oo Lagu Eedeeyey Dilal Ka Dhan Ah Shacabka.

Thursday November 03, 2016 - 06:40:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Dowlada Kenya Oo Lagu Eedeeyey Dilal Ka Dhan Ah Shacabka.

    Hay'adaha maxalliga ee dalka Kenya ayaa dalbanaya in baaritaano lagu sameeyo dilal ula kac ah oo ciidamada ammaanka ee Kenya ay kula kacaan dadka shacabka iyo dilal aan waxba la iska weydiin oo ciidamada dowlada ay kula kacaan dadka lagu tuhmo i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha maxalliga ee dalka Kenya ayaa dalbanaya in baaritaano lagu sameeyo dilal ula kac ah oo ciidamada ammaanka ee Kenya ay kula kacaan dadka shacabka iyo dilal aan waxba la iska weydiin oo ciidamada dowlada ay kula kacaan dadka lagu tuhmo in ay xiriir la leeyihiin waxa loogu yeero argigixisada.



Mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala dalkaas ayaa tilmaantay in ugu yaraan 1,200 oo ruux ay ciidamada Kenya ku dileen gudaha dalkaas sanadihii la soo dhaafay, taas oo ay sii dheertahay weerarada qarsoodiga ah ee jawaasiista ay ku beegsadaan dadka muslimiinta.

Dilalkan oo ah kuwa bareer ah ayaan cidna ka qarsooneyn, waxaana badankood fuliya ciidamada Police-ka iyo kuwa sirdoonka sida ay sheegayaan dadka deegaanka.



Weeraradan badankood waxay ka dhacaan magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya, halkaas oo ah meesha ugu badan ee Police-ka uu ku toogto dhalinyarada da’da yar.

Dowladda dabadhilifadda ah ee Kenya ayaa dhowr jeer sheegtay in ay sameyn doonto baaritaano balse illaa hadda ma jirto talaabo ay qaadday oo looga hortagayo arrinkaas.

Hal sarkaal oo kaliya ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay loo soo xiray falal dambiyeedyadaas, iyadoo kuwii kale ee dadka laayeyna ay si xor ah ku wareegayaan waddooyinka, sida ay sheegeyso koox maxalli ah oo ka howlgasha wadanka islamarkana qaabilsan dabagalka rabshadaha ay geystaan ciidamada Ammaanka.

Wargeyska kasoo baxa gudaha dalka Kenya ee la yiraahdo Daily Nation ayaa sidoo kale sheegay in dilal ka badan 262 dhacdo laga diiwaan geliyey wadanka tan iyo sanadkii hore, islamarkaana dilalkaas badankood lagula kacay dadka aan waxba galabsan ee shacabka ah, waxuxuuna wargeyso sheegay in sidoo kale aysan jirin dad lala soo xiriiriyey dambiyadaas oo dowladu ay maxkamad soo taagtay ama lagala xisaabtamay falal dambiyeedyadaasi.

Hooyo lagu magacaabo Sahra Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegeysa in xaafadooda oo kaliya lagu dilay ku dhawaad 300 oo caruur ah, islamarkaana dilalka xaafadooda ay yihiin kuwa iska joogta ah.


Waxay sidoo kale sheegtay in cunugooda ay dileen ciidanka Amaanka xilli uu banaanka u aaday in uu la soo kulmo saaxiibkiisa oo soo wacay si ay u sheekeystaan.


Ciidamada Kenya waxaa lagu eedeeyey in saddex meelood dadka xabadda u dhintay ay laba ka mid ah dileen ciidamada Ammaanka ee dowlada kenya, ayna weli sii wadaan dilalka xaqdarada ah ee ay ku beegsanayaan shacabka.


Dilalkan ma ahan oo kaliya mid u gaar ah muslimiinta ee sidaas oo kale xitaa waxay saameysaa bulshadooda nasaarada ah kuwaas oo iyagana dilal joogta ah kala kulma ciidamada sida ay sheegayaan hay’adaha maxalliga ah.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in saraakiisha iyo ciidamada lagu tuhunsan yahay eedeymahaas ay weli ku sugan yihiin waddooyinka Nairobi iyagoo aan wax dacwado ah lagu soo oogin islamarkaana aysan jirin cid wax ka weydiisa dambiyada iyo dilalka ay geysteen.

Peter Kiyaama oo agaasime ka ah hay’ad madax banaan oo daba gasho rabshadaha Police-ka wuxuu tilmaamayaa in ciidamada Kenya ay fuliyeen ugu yaraan 1,254 dhacdo oo dilal ah kuwaas oo ay kula kaceen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana uu tilmaamay in dowlada ay badanaa cudurdaar u sameyso dilalka bareerka ah ee ay ku kacaan ciidamada Ammaanka.


Wuxuu sidoo kale tibaaxayaa in aysan jirin wax baaritaano ah oo la sameeyey oo dowladu ay ku dabagaleyso dhacdooyinkan ay ku dhaqaaqayaan police-ka.


Sidaas si la mid ah hay’adda HRW iyaduna waxay sheegtay in ciidamada Amaanka ay geystaan dilal iyo qafaal islamarkaana aysan jirin cid wax ka weydiiso, dadka ay guryaha kala baxaan.


Waxay sheegtay in dhawaan 34 ruux la waayey ka dib markii guryahooda lagala baxay islamarkaana aanan illaa iyo hadda la ogeyn halka lala aaday.
Waxay sidoo kale tilmaantay in howshaas ay fuliso guutada loo yaqaano ATPU oo ah mid ah kuwa qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Marka laga hadlayo magaalada Mombasa, xisaab ma leh dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo dhalinyarada iyo raafka ka dhan ah dhalinyarada, Sidoo kale ciidamada Ashahaadda la dirirka waxay guryaha iyo masaajidda ka wataan dhalinyarada ay ka muuqato sunada, mana jirto cid wax iska weydiisa xaalkooda.

Dhalinyaro badan ayaa la wayay sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo qaarkood goor dambe la helay meydadkooda, halka kuwa kalena illaa hadda la la’yahay.

Sidoo kale dhalinyarada waxaa dusha laga saaraa dambiyo iyo eedeymo aysan galin si dhiigooda loo baneysto, ka dibna loo toogta.

Sacda Suleymaan waxay ka mid ah dadka ku dhaqan Mombasa, waxayna la’dahay seygeeda in muddo, waxay sheegtay in Police-ku ay ka wateen guriga, ka dibna la geeyey saldhigga, halkaas oo laga sii kaxeystay, waxayna sheegtay in ilaa hadda aysan ogeyn halka lala aaday oo markaas ayaa cid ugu war dambeysay Waxay aaminsantahy in uusan nooleyn xilligan oo goor hore la dilay.

Isha Warka: Aljazeera English

Related Items