Dhageyso: Beesha Gaaljecel iyo Hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo Kulan ku Yeeshay Magaalada Ceel-Cali.

Tuesday November 01, 2016 - 07:04:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Beesha Gaaljecel iyo Hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo Kulan ku Yeeshay Magaalada Ceel-Cali.

    Magaalada Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan oo bishii lasoo dhaafay ay isaga baxeen ciidamada Xabashida Itoobiya waxay kasoo kabsanaysaa dhibaatadii gumeystuhu ku haayay dadka magaaladaasi ku dhaqan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan oo bishii lasoo dhaafay ay isaga baxeen ciidamada Xabashida Itoobiya waxay kasoo kabsanaysaa dhibaatadii gumeystuhu ku haayay dadka magaaladaasi ku dhaqan.

Kulamo ballaaran oo Ceel-Cali ku dhaxmaray hoggaanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo waxgaradka Beesha Gaaljecel ayaa gaba gabadii kulanka lagasoo saaray qodobo muhiim ah.

Dowro diini ah oo wilaayada Islaamiga Hiiraan usoo xirtay Waxgaradka iyo salaadiinta Beesha Gaal jecel ayaa lagu bixinayay duruus diini ah iyo masaa'il ku saabsan waaqaca dhabta ah ee ka aloosan caalamka islaamka iyadoona waxgaradku ay sheegeen in waxbadan ay ka faa'iidaysteen dowrada diiniga ah.



Dowrada Kadib waxaa kulmay oo is arkay Hoggaanka Wialayada Hiiraan oo matalaya Hoggaanka sare ee Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Gaaljecel.

Labada dhinac ee Beesha Gaaljecel iyo Mujaahidiinta ayaa saxiixday Heshiis ka kooban 13 qodob oo muhiim ah waxaana qodobadaasi kamid ah in shareecada islaamka lagu dhaqmo, in Gaaljecel uu bixiyo Zakada iyo in naf iyo maal lagu bixiyo difaaca diinka iyo dalka sidoo kale waxaa qodobada kamid ah in beesha Gaaljecel ay furato macaahid lagu barto shareecada Islaamka.

Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah waalliga Hiiraan iyo Ugaaska beesha Gaaljecel oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in reer Ceel-Cali iyo Shabaabul Mujaahidiin ay isku kaashan doonaan la dagaalanka ciidanka shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay.


Halkan ka dhageyso Waaliga Hiiraan iyo Waxgaradka Gaaljecel oo ka hadlay Kulanka Ceel-Cali MP3

Related Items