Guddoomiyaha Bakool "Dadka ka Barakacay Degmada Tayeegloow Waa Taageerayaasha Dowladda iyo Ciidamada Itoobiya waxayna Kasoo Horjeedaan Argagaxisada" Dhageyso.

Tuesday November 01, 2016 - 07:04:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Bakool "Dadka ka Barakacay Degmada Tayeegloow Waa Taageerayaasha Dowladda iyo Ciidamada Itoobiya waxayna Kasoo Horjeedaan Argagaxisada" Dhageyso.

    Dhammaan magaalooyinkii ka baxay gacanta Xabashida Itoobiy waxaa isaga firxaday maleeshiyaadka dowladda Federaalka iyo dhammaan dadkii la shaqeynayay oo horay usii raacay Xabashida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Itoobiya ayaa dib ugurasho ka sameeyay Koonfurta iyo Bartamaha Somalia
Dhammaan magaalooyinkii ka baxay gacanta Xabashida Itoobiy waxaa isaga firxaday maleeshiyaadka dowladda Federaalka iyo dhammaan dadkii la shaqeynayay oo horay usii raacay Xabashida.

Hay’adaha Q.Midoobe iyo warbaahinta reergalbeedka ayaa maalmihii lasoo dhaafay buun buuninayay Barakac baaxad leh oo ka dhacay degmada Tayeegloow ee gobolka Bakool maalmo kadib markii ay dib uqabsadeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Sheekh Macalim Geedoow oo ah Mas’uulka Xarakada Al Shabaab u qaabilsan Bay iyo Bakool ayaa horay u sheegay in waxa magaalada isaga firxanaya ay yihiin saraakiisha DF-ka iyo dadkii la shaqeynayay.



Warka Macalim Geedoow waxaa xaqiijiyay Max’med Cabdi Tool oo maamulka Koonfur galbeed ugu magacaaban gobolka Bakool.

Tool oo wareysi siinayay Idaacadda BBC-dalaanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dhammaan dadka isaga cararay magaalada Tayeegloow ay yihiin kuwii la shaqeynayay ciidanka Itoobiya iyo maamulka Koonfur galbeed.

"Dad Tayeegloow ka barakacay waa taageerayaasha dowladda iyo ciidamada Itoobiya, waxayna kasoo horjeedaan Nabad diidka Al Shabaab oo isku caqiiddo iyo ujeeddo ma ahan argagaxisada” sidaas waxaa yiri Max’med Cabdi Tool guddoomiyaha Bakool.

Waxaa xusid mudan in kumanaan qoys shacab ah ay degganyihiin magaalada Tayeegloow waxayna ku hoos noolyihiin maamul islaami ah oo dib u boorka uga jafay adeegyadii bulshada.

Ciidamada Itoobiya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay isaga baxaan degmooyin iyo deegaano katirsan goballada Bay iyo Bakool waxaana la filayaa in deegaanadaasi ay la wareegaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Halkan Guji si aad u dhageysato Wareysiga guddoomiyaha Bakool MP3


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items