WARBIXIN: Ma kala burburayaa Isbaheysiga la dagaallamaya Al-Shabaab?

Monday October 31, 2016 - 11:09:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Ma kala burburayaa Isbaheysiga la dagaallamaya Al-Shabaab?

    Waxa loogu yeero Beesha caalamka ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixisay dib usoo laabashada ballaaran ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin dalka Soomaaliya iyo dib ugurashada ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

7 dowladood Afrikaan ah oo taageera ka Helaya Reergalbeedka ayaa Somalia ku duulay
Waxa loogu yeero Beesha caalamka ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixisay dib usoo laabashada ballaaran ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin dalka Soomaaliya iyo dib ugurashada ciidamada shisheeye.

Q.Midoobe ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in walaac ka qabto qabsashada xarakada Al Shabaab ee magaalooyin hor leh oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Beesha caalamka oo marnaba aan wax wanaag ah la doonayn shacabka Soomaaliyeed ayaa musiibo ku tilmaamtay dib u xuroobidda magaalooyin soomaali leedahay oo ay isaga baxeen ciidanka Itoobiya.

Dhammaan dowladaha shisheeye iyo warbaahintooda ayaa ka wada siman in gumeysiga ay la rabaan soomaalida iyagoo musiibo ku tilmaamaya dib usoo laabashada shareecada Islaamka iyo nabad gelyada xalaasha ah!.



Falanqeeyayaal iyo khubaro wax ka yaqaan dagaallada qaaradda Afrika ayaa sheegay in isbedelladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka dhacay gaar ahaan dib usoo laabashada awoodda Al Shabaab ay dhaawacayso dadaaladdii beesha caalamka ee ku salaysnaa dhabar jabinta ‘Argagaxisada’ (Mujahidiinta) iyo dib udhiska Somalia!.

Warbixin ciwaan looga dhigay "Ma kala burburayaa Isbaheysiga la dagaallamaya Al-Shabaab?” ayaa lagu daabacay Website ku takhasusay arrimaha dagaallada qaaradda Afrika .

Khubarada ayaa lafalanqeeyay dib ugurashada ballaaran ee ciidamada Itoobiya ka sameeyeen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya iyo soo laabashada awoodda Al Shabaab.

Joshua Meservey iyo Kells Lilly oo ah laba khabiir oo dabagala arrimaha Afrika ayaa saadaaliyay in dhibaatada haysata ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay maalmaha iyo bilaha soo socda sababi karta dib ugurasho ka yaabisa caalamka ka hor inta aan lagaarin sanadda 2018-ka oo soo duulayaasha Soomaaliya ku sugan ay go’aamiyeen in ay soo gaba gabeeyaan howlgaladooda melleteri.

Falanqeeyayaashan waxay sheegeen in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay awood u leeyihiin in ay muquuniyaan ciidamada shisheeye haddii ay kusii sugnaadaan soomaaliyda sidii horay udhacday.

Joshua Meservey iyo Kells Lilly waxay xaqiijiyeen in dib ugurashadii ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen 8 magaalo oo soomaaliya katirsan ay saameyn ballaaran ku yeelan doonto waxa loogu yeero howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Isha Qoraalka Guji Halkan

Related Items