Ciidamada Mujaahidiinta oo Si Buuxda Ula Wareegay Magaalada Tayeegloow Ee Gobolka Bakool.

Wednesday October 26, 2016 - 06:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo Si Buuxda Ula Wareegay Magaalada Tayeegloow Ee Gobolka Bakool.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Tayeegloow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Tayeegloow.

Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta ayaa gudaha ugalay magaalada Saacad kadib markii ay isaga baxeen ciidankii gumeysiga Itoobiya.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay xalay saqdii dhexe u dhaqaaqeen dhanka degmada Xudur ee isla gobolka Bakool.

Wariye Cali Yare oo ku sugan Bay iyo Bakool ayaa SomaliMeMo Khadka taleefanka ugu sheegay in ciidamada Xarakada Al Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay gudaha ugaleen magaalada.



Calanka Madoow ee dhaxda ku leh Kalimadda Towxiidka ayaa laga dhax lalmiyay magaalada Tayeegloow "Mujaahidiinta oo Takbiirsanaya ayaa ku gaaf wareegaya magaalada Tayeegloow kadib markii ay isaga carareen ciidankii Xabashida Itoobiya" sidaas waxaa yiri wariye katirsan Idaacadda Andalus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sarkaal katirsanaa Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilay duleedka Tayeegloow shalay gelinkii dambe xilli uu isku dayayay in uu u baxsado dhanka magaalada Xudur waxaana la sheegay in gaarigii uu watay ay gacanta ku dhigeen ciidanka Al Shabaab.

Shalay ayay askarta iyo saraakiisha Dowladda Federaalka waxay bilaabeen in ay magaalada isaga Firxadaan kadib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqa dib ugurashada ah oo ay sameynayeen ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Tayeegloow wax ka badan hal sano iyo Bar waxaa saarnaa Go'doomin saameyn yeelatay oo ay kusoo rogeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, Ciidamada Itoobiya waxaa ku adkaatay in saadka iyo sahayda in ay isku gudbiyaan sababa la xiriira miinooyinka waddooyinka lagu aaso iyo weerarada dhabagalka ah oo naafeeyay isku socodkooda.

Magaalada Tayeegloow ayaa ah magaala istiraatiiji ah oo kala qeybisa gobollada Bay, Hiiraan iyo shabeelaha Hoose dib uqabsashadeedana waxay awood dheeri ah siinaysaa xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidanka Itoobiya sidaan oo kale ay uga baxeen degmada Halgan ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items