Al Shabaab oo Hanjabaad Ujeedisay Ciidanka Jabuuti Ee Hiiraan ku sugan "Hiil gaalo goordhow Haadda ayaa ku Dagaysa insha'allaah" Dhageyso.

Monday October 24, 2016 - 06:16:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Hanjabaad Ujeedisay Ciidanka Jabuuti Ee Hiiraan ku sugan "Hiil gaalo goordhow Haadda ayaa ku Dagaysa insha'allaah" Dhageyso.

    Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah waaliga wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa isagoo boqolaal qof kula hadlayay magaalada Halgan saacado kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya wuxuu sheegay in Hiiraan ay ka xureyn doonaan dhammaan ciidamada shi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah waaliga wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa isagoo boqolaal qof kula hadlayay magaalada Halgan saacado kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya wuxuu sheegay in Hiiraan ay ka xureyn doonaan dhammaan ciidamada shisheeye.

Mas’uuliyiinta Xarakada Al Shabaab ayaa shacabka magaalada Halgan uga mahad celiyay sida ay isaga diideen gumeysiga Itoobiya.

Al Shabaab waxay fariin hanjabaad ah u dirtay taliska ciidanka Jabuuti ee ku sugan degmooyin katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Guuleed ayaa saadaaliyay in ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka ay wajahi doonaan guluf dagaaleedka mujaahidiinta haddii ay kusii sugnaadaan saldhigyada lagu go’doonmiya isagoona shacabka Halgan niyadda ugu qaboojiyay in ciidanka Jabuuti oo uu ku sifeeyay ‘Hiil-gaalo’ ay Meydadkooda haaddu ku cuni doonto magaalooyinka ay joogaan marka weeraro lagu naafeeyo "Hiilgaalo Haaddu waa ku Dagaysaa mar aan dheerayn insha’allaah” ayuu yiri sheekh guuleed.


Odayaal dhaqameedyo taageersan dowladda Federaalka iyo Yuusuf Dabageed ayaa dhowr mar warbaahinta ka sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiiraan ku sugan ay yihiin Hiil-walaal balse shabaabul Mujaahidiin iyo shacabka ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga ah ayaa ciidanka Jabuuti u bixiyay Hiil-gaalo, sababa la xiriira ciidanka Jabuuti oo muslimiinta Soomaaliya uga hiilliyay Itoobiya,Kenya iyo Burundi oo ciidamadoodu Xasuuq ka waddaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Katiibada Sh.Abuu Zubeyr ayaa sanadadii lasoo dhaafay weeraro naf-hurnimo ku qaadday saldhigo ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya uga sugnaayeen Koonfurta Soomaaliya.

Gacanta Katiibada waxay gaartay dhammaan ciidamada soomaaliya kusoo duulay sida Kenya,Uganda iyo Burundi kuwa kaliya ee dhiman ayaa ah ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmooyin Hiiraan katirsan.


Halkan ka dhageyso Kalimadda Sh.Guuleed MP3

Related Items