Warbixin+Sawirro: Gudiga dhismaha Masjid Jaamaca Buulo-Fuuleey oo ka warbixiyay xaaladda Masjidka, Baaqna u diray dadka Muxsiniinta ah.

Saturday October 08, 2016 - 12:01:02 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin+Sawirro: Gudiga dhismaha Masjid Jaamaca Buulo-Fuuleey oo ka warbixiyay xaaladda Masjidka, Baaqna u diray dadka Muxsiniinta ah.

    Masjid jaamaca buulo-fuleey oo dhismihiisu bilowday bishii saddexaad 2016-ka ayaa ku bilowday is xilqaamid ay is xilqaameen dadka ku nool deegaanka buulofuleey iyo magaalooyinka kale ee ku dhowdhow oo wax ku darsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masjid jaamaca buulo-fuleey oo dhismihiisu bilowday bishii saddexaad 2016-ka ayaa ku bilowday is xilqaamid ay is xilqaameen dadka ku nool deegaanka buulofuleey iyo magaalooyinka kale ee ku dhowdhow oo wax ku darsaday.

Kharashka galaya dhismaha masjidka sida uu ka dhawaajiyay Jaamac Mire oo ka mid ah gudida dhismaha masjidka waxa lagu qiyaasay lacag dhan labo boqol oo kun oo dolar($200.000) lacagtaasi oo inteeda badan laga sugayo dadka musxisiniinta ah ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa intaba.

Sida uu sheegay Gudidu masaajidka dhererkeesu waa 33 mitir ballacuna 25 miitir, waxana la qorsheeyay in dabaq laga dhigo haddii Allaah fududeeyo.



Gudida ayaa baaq dheer u dirtay dadka muslimiinta ah iyagoo ka codsaday inay kala qayb qaataan dhismaha masjidka, waxaanu gudiduballan qaaday in sawirada masjidka marba halka uu marayo internetyada ay soo galin doonaan.

Jaamac mire oo ah ninka sawirkiisa hoos aad ku aragtaan oo ka mid ah odayaasha gudida dhismaha masjidka ayaa ugu dambayn bulshada u sheegay nambarada lagala soo xiriirayo dal iyo dibadba, waxaanu ku bilaabay labo nambar oo ay leeyihiin gudida dhaqaale ururinta masjidka.

Waxayna kala yihiin

Haddii aad joogtid gudaha Soomaaliya sidaan ulasoo xiriir 0615713697 Haddii aad Joogtid dibadda sidaan usoo wac +252615713697

qaabka  xiriirka gudaha 0619663966 qaabka xiriirka dibadda +252619663966

Sidoo kale waxa uu raaciyay Nambarkiisa oo ah 0615889614 isagoo sheegay in ciddii la soo xiriirta uu u gudbin doono gudida dhaqaalaha masjidka.

Sidoo kale masjidka waxa loo sameeyay email ay kala soo xiriiraan dadka internetka haysta ee dibadaha jooga. Emailkaasi oo cinwaankiisu yahay [email protected]

Halkan ka dhageyso warbixinta Gudida MP3

Hoos Ka Daawo Sawirada Dhismaha Majidka oo Bilow ah.


















Related Items