Dhageyso: Ugaaska Beesha Murusade oo Bogaadiyay Dhismaha Hoggaanka Dhaqanka Beelaa Soomaaliyeed.

Thursday October 06, 2016 - 11:26:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Ugaaska Beesha Murusade oo Bogaadiyay Dhismaha Hoggaanka Dhaqanka Beelaa Soomaaliyeed.

    Qabaa'ilada soomaaliyeed ee dega Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhoweeyay dhismaha golaha dhaqanka islaamiga soomaaliyeed ee maalmo ka hor lagu dhawaaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabaa'ilada soomaaliyeed ee dega Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhoweeyay dhismaha golaha dhaqanka islaamiga soomaaliyeed ee maalmo ka hor lagu dhawaaqay.

Ugaas Beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Daahir Axmed ayaa sheegay in beeshiisu ay si kal iyo laab ah usoo dhoweynayso hoggaanka cusub oo ay doorteen dhaqanka beelaha soomaaliyeed.

isagoo wareysi siinayay Idaacadda Andalus ayuu sheegay in tallaabada lagu dhisay hoggaan midaysan oo ay leeyihiin dhaqanka islaamiga soomaaliyeed uu yahay mid sare u qaadayo kaalinta qabaa’illadu ku leeyihiin halganka gumeysi diidka ah ee Soomaaliya ka socda.


Beesha Murusade ayaa ugu baaqday qabaa’ilada Soomaalida in ay la dagaalamaan gumeystayaasha kusoo duulay diinka iyo dalka sida ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee qabsaday gobollo soomaali leedahay islamarkaana boobaya kheyraadka umadda.

Xaflad maalmo ka hor ka dhacday degmada Buula Fuulay ee gobolka Baay ayaa looga dhawaaqay golaha dhaqanka Islaamiga Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageyso Ugaaska Murusade oo bogaadin diraya MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items