Xaluulasho Kadib Ictisaam oo Ugu Dambeyntii U Hoyday Gudcurkii Kufriga W/Q Warfaa Kheyrdoon

Tuesday October 04, 2016 - 18:55:27 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xaluulasho Kadib Ictisaam oo Ugu Dambeyntii U Hoyday Gudcurkii Kufriga W/Q Warfaa Kheyrdoon

    Maalinba maalinta ka dambeysa Wadaada xumayaasha soomaalida ee la shaqeeya shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay ayaa lasoo baxaya waji cusub kadib sanado ay umadda maaweelinayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinba maalinta ka dambeysa Wadaada xumayaasha soomaalida ee la shaqeeya shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay ayaa lasoo baxaya waji cusub kadib sanado ay umadda maaweelinayeen.

Ururka Ictisaam ee sanaddii 2009 soo saaray Fatwadii caan baxday ee lagu sharciyeeyay in Soomaaliya ay maxmiyad u noqoto gumeyste saliibi ah ayaa hadda ku mashquulsan in uu wax ka dejiyo dastuur ay shacabka soomaaliyeed ugu magac dareen "Dastuur gaaleedka Michel Ketting”.

Dad badan oo markii hore taageersanaa Jamaacada inxiraaftay ee Ictisaam ayaa ka shallaayay juhdigii ay ku bixiyeen difaacidda jamaacada iyo hoggaankeeda oo ay u arki jireen mid wadada toosan ku taagan.


Bashiir Axmed Salaad ayaa sanado ka hor Mid kamida Telefeshinada Soomaalida ka sheegay in la dagaalanka Al Shabaab loo kaashan karo Itoobiya iyo AMISOM isagoo ku tilmaamay ‘Awr dad cunayaal ah oo ay waajib tahay in la dagaallankooda loo kaashado dowladaha mandiqadda”.

Hadda xaalka ictisaam waa ka gudbay Fatwo lasoo saaro waxayna qeyb ka noqdeen siyaasadda soomaaliya ee ku dhisan kadaba nashlqeynta Itoobiya iyo xulufadeeda reergalbeedka, Ururkan ayaa caan ku ah jiha wareerinta Ra’yul Caamka tusaale ahaan horraantii sanadkan markii wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ay soo saartay xeer ogolaanaya in raggu isku tagaan golaha wasiirada Cumar Cabdi Rashiidna ay ansixiyeen ayay hoggaamiyaasha Ururka afka furteen iyagoo iska dhigayay in ay yihiin cilimaa’udiin ahlu xaq ah.

Ictisaam ayaa maalmo kadib ka laabtay mucaaradadii ay ka muujiyeen waxa loogu yeero xeerka Jinsiga waxayna si maldahan u taageereen xeerkaasi faasidka ah ee umadda Soomaaliyeed in ay gaaloobaan ugu baaqaya.

Max’med Cabdi Xayir Maareeye wasiirka warfaafinta DF-ka iyo Bashiir Axmed Salaad ayaa xilligaasi shir jaraa’id oo ay wada qabteen ku sheegay in guddi baaris ku sameeya xeerka Jinsiga la dhisay!.

Waa Guddi ay Ictisaam iyo Villa Somalia ku doonayeen in ay ku damiyaan carada shacabka, madaxii Ictisaam ayaa isku bedelay qandaraaslayaal ku shaqeysta magaca diinta.

Waxa loogu yeesho Beesha caalamka iyo gudiyada kor joogtada ee loo xil saaray qaban qaabinta doorashooyinka soomaaliya ka dhici doona ayaa isku raacay in kaalin muhiim ah Ictisaam lagasiiyo soo xulista golayaasha xukuumadda soo socota taasi oo ka dhigan in waacusb uu ubaryay Ururka iyo mashaa’ikhdiisa.

Wariyaasha Soomaalida oo sida muuqata fahmay galbashada Ictisaam ayaa bilaabay in ay wax ka weydiiyaan hankooda siyaasadeed.

Marka ay la khidaabayaan bulshada waxa ku hadlaan wixii caqligoodu siiyo haba yaraateen kuma hadleen diin waxayna isku bedeleen siyaasiyiin ka liita Salaad Cali Jeelle iyo Cabdi Ileey.

Bashiir Axmed Salaad iyo saaxibadiis maba is qariyaan oo Hoteellada iyo isku imaatinada siyaasadeed ee DF-ka ayay marwalba kasoo muuqdaan cadkoodana dhacsadaan laakin waxaa ceeboobay kuwii umadda u afduubi jiray kooxdan ee sharciyadooda difaacayay.

Fatwadii Ictisaam ee 2009 waxay u qaab ekeed Fatwadii wadaada xumayaasha dhulka Hindiya ay soo saareen qarnigii 18-aad taasi oo dhigaysay in muslimiinta Hindiya aysan wax dagaal ah lageli Karin gumeystihii ingiriiska ee xilligaasi qabsaday inta badan dhulka loo yaqaan qaarad u ekaha Hindiya.

Guddiga doorashada dadban ee DF-ka ayaa warsaxaafadeedyadiisa marwalba ku sheega in waxa loogu yeero hay’adda culimada Soomaaliya ay wax ka daadihinayso isbedel dhanka maamulka ah oo soomaaliya ka hana qaada.

Nuur Baaruud Gurxan iyo Bashiir Axmed Salaad ayaa Idaacadaha ka hadlaya waxayna ku qeylinayaan in baarlamaan iyo xukuumad xalaal ah lasoo dooran doono!, goorma ayay xalaal noqdeen dabadhilifyo diinka iyo dalka iibsaday, aaway diinkii ay Ictisaam sheegan jireen.

Culimada islaamka ayaa isku raacsan in ruuxii gaalo u ogolaado qabsashada taako kamid ah dhulalka muslimiinta uu diinta islaamka ka baxayo iskaba daay in fataawaad lasoo saaro oo AMISOM iyo xulufadeeda lagu tilmaamo kuwa camal mashruuc ah ka wada soomaaliya.

Kooxdan qowlaysatada ah waxay xoogaga dalka ka halgamaya ku sheegi jireen Khawaarij,ghullaad iyo Argagaxiso balse soomaalidu hadda waxay ogaatay in kooxdaan ay godkii kufriga gashay.

Shalay ayaan warbaahinta maxalliga ah ka daalacday war ahaa sidaan "Wafdigan ka socday Hay'adda culimada Soomaaliya, gudiga Dastuurka ee Barlamaanka, Gudiga Arimaha gudaha ee Barlamaan, Gudiga Xaduudaha qaranka iyo gudiga dib u heshiisinta ayaa tagay magaalada Jowhar si ay ugu kuur galaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe”.

Marka si qota dheer aad u dhuuxdo dhaqamada cusub ee Ictisaam waxaa kuu rumoobaya eedaymihii ka imaan jiray sheekha Caalimka ah Xassaan Xuseen Aadam (Abuu Salmaan) oo sanado ka hor umadda uga digay kooxdan mooryaan diimeedka ah.

Waxaa wax lagu farxo ah in soomaalida qurba joogta ah ay fahmeen wajiga dhabta ah ee kooxdan oo marka wararkooda lagu falanqeynayo fagaraayaasha lagu tilmaamo "wadaado xukuumadeed”.

Bulshada Soomaalida meel walba oo ay joogto ma taabacsana kooxdan marka laga reebo soomaalida taageersan duullaanka dalkooda lagusoo qaaday.

Marka la joogo magaalada Muqdisho iyo Hoteeladeeda Ictisaam waxay ku howlgalaan magaca Hay’adda Culimada Soomaaliyeed halka Garoowe,Boosaaso iyo Laascaanood ay ka yihiin culimadda umadda waxayna qabtaan dowraad ay dadka ugu sheegayaan in ay shareecada islaamka ku barayaan.

Maxay tahay shareecada qabta in culimadu soo xulaan xildhibaano dawaaqiid ah iyo baarlamaan dajinaya sharci liddi ku ah shareecada Raxmaanka?, sidee culimada muslimiintu u ogolaanayaan in dalka loo gacan geliyo ciidamo shisheeye? Waa su’aalo ay is weydiinayaan dadkii uqiil raadin jiray Ictisaam.

iskusoo wada xooriyoo Ictisaam iyo xulufadooda marada ayaa ka dhacday waxayna umadda soomaaliyeed ku kalsoonyihiin culimada diinkooda ka run sheegay in shisheeyaha kula halgamaya howdka iyo culimada kale ee ku sugan dibadaha ee waxa ay diintu qabto umadda u bayaaniya.

Sawirada Socdaalka Hoggaamiyaha Ictisaam iyo guddiga doorashooyinka ee magaalada Jowhar
http://a.top4top.net/p_277rw2y1.jpg
http://b.top4top.net/p_277s3wm2.jpg
http://c.top4top.net/p_277rmi93.jpg

Hoos ka Akhri Gabeygii Sayid Max'med Cabdulle Xasan ee Wadaada Xumayaasha

Doodna waxaan u leeyahay,
Culimada dafaarka ah,
Dalkaad iibiseen baa,
Dacarta igu kiciyeye,

Shan halood idiin daran,
Danigiina ka fiirsada.

Mar waa inaad dayowdeen,
Dibad hadaydun qabateen,
Dadkaa aydun raacdeen,
Isna wuu idi digo gubi,
Dilaalkii la idi siiyana,
Dunna ka heli maysaane.

Ninkii idiin darana
Ajar iyo ducoo heli,
Dibnna Deeqa Eebahay,
Dibna Saariye maysaan,
Diin nimaan lahayni,
Dameer caysan weeye,
Waar maxaad duflayahaw,
Cadaawaha ugu daranteen

Wanka doosha wayn iyo,
Ma dagaadaad uxilanteen,
Qandiga maad iska duubtaan,
Dawarsigu mafiicnee.

Awyaalaw ma diideen
Jahaad maad udareertaan?

Warma danana iyo seef,
Dadka maad ku qaadaan,
Darmaan haad laqooqay iyo,
Doolaad maad ufuushaan.
Daacuf leeyda madidaa,
Degdeg maa wax ubadhaan,
Idinkaa dalkaba lehe
Dawlad maad uhaataan.

Ileen doqoni Calaf maleh,
Dibadaha maxaa ka baylahan.

W/Q Warfaa Kheyrdoon Qoraa Madax Banaan

FG: Fikirka maqaalka wuxuu gaar u yahay qoraaga SomaliMeMo looma tiirin karo

Related Items