Sawirro+Video : Al-Kataib oo Soo bandhigtay Maxbuus Kenyaan ah oo ku jira gacanta Alshabaab.

Wednesday September 28, 2016 - 19:53:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4242
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Video : Al-Kataib oo Soo bandhigtay Maxbuus Kenyaan ah oo ku jira gacanta Alshabaab.

    Mu'assasada Al-Kataaib ee garabka Warbaahineed Xarakada Alshabaab ayaa sii deysay Muuqaal Video ah oo uu kasoo muuqanayo mid ka mid ah Askarta Maxaabiista ah ee u dhashay dalka Kenya ee lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee horraantii Sanadkan ka dhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'assasada Al-Kataaib ee garabka Warbaahineed Xarakada Alshabaab ayaa sii deysay Muuqaal Video ah oo uu kasoo muuqanayo mid ka mid ah Askarta Maxaabiista ah ee u dhashay dalka Kenya ee lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee horraantii Sanadkan ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

 


Askarigan oo lagu magacaabo Leonard Maingi Kiiyo ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 40 jir, wuxuuna Ciidamada Meliteriga ee Dowladda Kenya kusoo biiray Sannadkii 1997dii, isagoona ka tirsanaa guutada 9aad ee Ciidamada dalkaasi.


Leoard Maingi waxa uu qeyb ka ahaa boqollaal Ciidamo ah oo kowdii bishii January ee sanadkan 2016 la keenay Saldhig ay Ciidamada Dowladda Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde, balse 15 maalmood kadib oo ku beegneyd 15kii January maalin Jimco ah ayay Saldhiggasi weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamada Alshabaab, iyagoo halkaas ku dilay inkabadan boqol Askari, gacanta ku dhigay wax ku dhow tobon Askari oo Maxaabiis ah.



Maxbuuskan Kenyaanka ah waxa uu farriin u diray Dowladdiisa iyo Shacabka dalka Kenya, isagoona dalbaday in laga shaqeeyo sidii uu markale xorriyadiisa u heli lahaa, islamarkaana ula midoobi lahaa qoyskiisa.


Muuqaalkan ay soo bandhigtay Mu’assasada Al-Kataaib waxa uu imaanayaa laba maalmood kadib markii ay baahisay Vedio uu kasoo muuqanayo Askari kale oo Maxbuus ah oo u dhashay dalka Uganda, kaas oo isna lagu qabtay dagaalkii xoogganaa ee ka dhacay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.







Related Items