Sawirro: Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Wednesday September 21, 2016 - 19:03:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay degmada C/caziiz ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Col. Axmed Shuuriye waxay isku dhowaayeen Cabdi Raxmaan Tuur Yare
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay degmada C/caziiz ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay walxaha qarxa oo lagu dhajiyay gaari nuucada ah ayaa ka dhacay isgoyska Jubba gaar ahaan meel ku dhow Baar Fiat.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu dilay Sarkaal sare oo katirsanaa sirdoonka Dowladda Federaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray Col. Axmed Shuuriya.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo katirsan Nabad sugidda DF-ka iyagoona qaaday Meydka Col. Axmed Shuuriye.


Sarkaalka lagu dilay Isgoyska Jubba waxay wada shaqeyn wanaagsan lahaayeen Cabdi Raxmaan Tuur Yare madaxii hore ee sirdoonka dowladda Federaalka wuxuuna ku lug lahaa howlgallo raaf ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhowr mar sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo lagu dilay askar iyo saraakiil katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sarkaalkii 3-aad oo isbuucan gudihiisa lagu dilo magaalada Muqdisho maalin ka hor ayaa degmada Hodon lagu dilay laba Sarkaal oo mid kamida lagu magacaabi jiray Max’med Jimcaale Goobaale.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items