Dhageyso: Cabdi ileey oo Walaac Ka Muujiyay in Kacdoonka Itoobiya Ka Socda uu soo gaaro Dhulka Somaaligalbeed.

Wednesday September 21, 2016 - 12:30:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Cabdi ileey oo Walaac Ka Muujiyay in Kacdoonka Itoobiya Ka Socda uu soo gaaro Dhulka Somaaligalbeed.

    Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka ah ee kajira dhulka Soomaaligalbeed Itoobiya gumeysato Cabdi Muxumed oo Cabdi Ileey ku magac dheer ayaa markii ugu horraysay ka hadlay kacdoonka ka socda qeybo Itoobiya katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka ah ee kajira dhulka Soomaaligalbeed Itoobiya gumeysato Cabdi Muxumed oo Cabdi Ileey ku magac dheer ayaa markii ugu horraysay ka hadlay kacdoonka ka socda qeybo Itoobiya katirsan.

Cabdi ileey ayaa walaac ka muujiyay khalalaasaha dhanka ammaanka ah ee Itoobiya ka jira iyo xasuuqa lagu haayo qowmiyadda Tigreega ee talada Itoobiya haysa.

ileey oo warbaahinta la hadlay ayaa qowmiyadda Tigreega ku tilmaantay "Badbaadiyaasha Itoobiya”, shacabka soomaalida ee Itoobiya gumeysato ayuu ugu baaqay in aysan ka qeyb qaadan kacdoonada ay wadaan Muslimiinta Oromada iyo qowmiyadda Amxaarada.


Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka ee kajira magaalada Jigjiga ayaa muujiyay sida uu ugu ceynsanyahay taliska kaligii taliska Itoobiya isagoona baqdin ka muujiyay in kacdoonka hadda socda uu Soomaalida saameeyo.

Halkan ka dhageyso Cabdi Ileey oo Tigreega ammaanaya MP3

Related Items