Dhageyso+Akhriso: Ciidamada AMISOM oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Deegaanka Waaya-Arag Ee Gobolka Sh/hoose.

Tuesday September 20, 2016 - 11:19:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso+Akhriso: Ciidamada AMISOM oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Deegaanka Waaya-Arag Ee Gobolka Sh/hoose.

    Warara dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ka geysteen deegaan katirsan gobolka shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warara dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ka geysteen deegaan katirsan gobolka shabeelaha Hoose.



Wararka ka imaanaya deegaanka Waaya Arag ee duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay toogasho ku dileen 6 qof oo kamid ah dadka deegaanka.

Ibraahim Cali Cabdi oo kamid ah dadkii ka badbaaday xasuuqa ay geysteen ciidamada AMISOM ayaa Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamo wato gaadiidka gaashaaman ay deegaanka soo gaareen islamarkaana ay dad shacab ah xasuuqeen.



Dadka la xasuuqay Afar kamid ah waxay kala ahaayeen 1-Nuur Cali Nuur 2-Ibraahim Cali 3-Maxaad Muxiyidiin 4-Maxaad Hilowle .

Goob joogaha Xasuuqa ka badbaaday ayaa sheegay in Ciidanka Burundi ay tageen Ceelka (Waaya Arag) oo xilligaasi dad xoola dhaqata ah xoola ka waraabsanayeen kadibna toogasho ayay kula dhaqaaqeen wixii rag ah oo ceelka ku sugnaa.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ciidamadii Xasuuqa gaystay ay dib ugu laabteen saldhig melleteri oo ay ku leeyihiin deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.

Halkan ka degso Wareysiga qof ka badbaaday Xasuuqii waaya-arag MP3

Related Items