SHEEKH CALI DHEERE: Doorashada Sanadkan dhacaysa waxaa nooga qorsheysan dil iyo dagaal Dhageyso.

Monday September 19, 2016 - 20:05:31 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHEEKH CALI DHEERE: Doorashada Sanadkan dhacaysa waxaa nooga qorsheysan dil iyo dagaal Dhageyso.

    Xarakada Al Shabaab ayaa War Kasoo Saartay Doorashada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaban qaabinayso magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al Shabaab ayaa War Kasoo Saartay Doorashada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaban qaabinayso magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa kalimad uu jeediyay  waxa uu uga hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan waxa loogu yeero doorashooyinka Dadbdan iyo  go’aanka Mujaahidiinta uga degsan doorashadaasi

Sheekh Cali ayaa waxa uu soo hadal qaaday waxa ay diinta Islaamka ay ka qabto Federaalka iyo doorashada jiha wareerinta ah  ee la doonayo in lagu qabto magaalada Muqdisho.

isagoo hadlayay ayuu yiri  "go’aanka uga degsan Mujaahidiinta doorashadaas waa  dagaal iyo dil", isagoo carrabka ku adkeeyay in qaban qaabada doorashooyinka ay ajandayaal gumeysi ka leeyihiin dowladaha shisheeye ee soo agaasimay gumeysiga Soomaaliya lagusoo qaaday.


Afhayeenka ayaa waxa uu la hadlay odayaasha soo xulaya  Xildhibaanada  Baarlamaanka DF-ka  waxa uuna ugu baaqay in aysan noqon jaranjaro lagu fuulo meesha la rabo kadibna la iska tuuro sidii horay u dhacday xilligii ay gaba gabada maraysay dowladdii uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Al Shabaab ayaa soo bandhigtay waxa ay shareecada Islaamku ka qabto doorashooyinka dimuquraadiyadda ku dhisan iyo isku xukunka shareecada Islaamka.

"Mujaahidiintu waxay shacabka soomaaliyeed uga digayaan in ay ka qeyb galaan doorashooyinka ay soo qaban qaabisay kooxda Ridada"ayuu yiri sheekh Cali Dheere.

Wuxuu sheegay in doorashadan looga gol-leeyahay gaalaysiinta shacabka Soomaaliyeed islamarkaana la doonayo in dalka laga dhaqan geliyo  qaanuun ku sheeg ogolaanaya Qowmu luudka sida in Raggu Ragga u tagaan dumarkuna ay zinaysan karaan.

Al Shabaab waxay si qota dheer uga hadashay arrinta Federaalka oo ay ku sheegtay in uu yahay qorshe ujeedka laga leeyahay ay tahay kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed, Sheekh Cali dheere ayaa tusaale usoo qaatay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay sii kala geeyeen maamul ku sheegyadii ay iyagu dhiseen islamarkaana marjacooda rasmiga ah uu yahay Addis Ababa iyo Nairobi.

Sheekh Cali Dheere ayaa ciidamada Xarakada Al Shabaab ku booriyay in ay weeraro ku qaadaan goobaha lagu qabanayo doorashooyinka dadban ee Dowladda Federaalka islamarkaana ay beegsadaan kuwa qaban qaabinaya doorashooyinkaas

Hoos Ka Dhageyso Kalimada Sh Cali Maxamud Raagge MP3

Source: Radio Andalus

Related Items