Sawirro+codad: Wilaayada Islaamiga Galguduud oo Heshiis Buuxa Dhax dhigtay Beelaha Murusade iyo Ceyr oo Xurguf Dhaxmartay.

Saturday September 17, 2016 - 21:18:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+codad: Wilaayada Islaamiga Galguduud oo Heshiis Buuxa Dhax dhigtay Beelaha Murusade iyo Ceyr oo Xurguf Dhaxmartay.

    Kadin Kulan ballaaran oo ka dhacay deegaanka Warxoolo ee gobolka Galguduud ayay heshiis buuxa ku gaareen beelaha walaalaha ah ee Ceyr iyo Murusade oo bil ka hor ku dagaallamay deegaanno Galguduud katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadin Kulan ballaaran oo ka dhacay deegaanka Warxoolo ee gobolka Galguduud ayay heshiis buuxa ku gaareen beelaha walaalaha ah ee Ceyr iyo Murusade oo bil ka hor ku dagaallamay deegaanno Galguduud katirsan.

Wilaayada Islaamiga Galguduud oo mas’uul ka aheyd ukala dab qaadidda beelaha dagaallamay ayaa ku guulaysatay in ay heshiis buuxa dhax dhigto labada dhinac.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin katirsan wilaayada oo uu ugu horreeyo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayay ugu dambeyn maxkamadda ku dhaqanka shareecada Islaamka wilaayada Diyo ukala xukuntay dadkii ay beeluhu iska dileen.


Waxgarad ka kala socday beelaha dagaallamay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay ku qanacsanyihiin xukunka maxkamadda islaamiga ah ridday.

14 Nin oo labada beel iska dileen ayaa Nin walba laga bixin doonaa Min Boqol halaad geel ah.

Halkan ka dhageyso Barnaamij gaar ah oo laga diyaariyay Heshiiska Murusade iyo Ceyr MP3













Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items