Dhageyso:Ciidamada Itoobiya oo Shacab Soomaaliyeed Ku Xasuuqday Dhulka Somaligalbeed iyo Waxgaradka Shabelle oo Ka Hadlay.

Thursday September 08, 2016 - 07:50:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Ciidamada Itoobiya oo Shacab Soomaaliyeed Ku Xasuuqday Dhulka Somaligalbeed iyo Waxgaradka Shabelle oo Ka Hadlay.

    Dadka Soomaalida Reer Shabeelle ayaa markale Xasuuq daran kala kulmay Ciidamada Xabashida Itoobiya ee gumeysiga ku heysta dhulka Soomaaligalbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Soomaalida Reer Shabeelle ayaa markale Xasuuq daran kala kulmay Ciidamada Xabashida Itoobiya ee gumeysiga ku heysta dhulka Soomaaligalbeed.

Wararka ka imaanaya dhulka Itoobiya ay gumeysato gaar ahaan gobolka Shabeelle ayaa sheegaya  in Maleeshiyaadka Liyuu booliska dhawaan ay xasuuqeen dad fara badan oo ka mid ahaa beesha Jareer weyne.

Inta la hubo tiro dad ah ayaa la dilay kuwo kalana waa la dhaawacay halka sidoo kale la gubay guryo fara badan oo dad reer miyi ah ay lahaayeen, duullaankan Iyo xasuuqa ayaa ka bilowday kadib markii maleeshiyaadka ay isku dayeen in beesha ay hub ka dhigis ku sameeyaan laakiin ay kasoo horjeesteen arrinkaasi.



Afhayeen u hadlay dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in sanad ka hor la laayay dad gaaray 60 qof  halka iminkana ay dhacday mid taas la mid ah ama ka fool xun, wuxuu xaqiijiyay in ciidan ka badan 3000 Liyu Boolis ah ay duullaan kusoo qaadeen dadka reer shabeelle illaa iyo Feerfeer islamarkaana laga cabsi qabo in xasuuq hor leh uu dhaco.

Maleeshiyaadka Cabdi Ileey ayaa loogu baaqay inay joojiyaan xasuuqa ay ku hayaan dadka muslimiinta haddii kalena ay la kulmi donaan dagaal abaabulan oo reer Shabeelle ay u dhanyihiin sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Abdiyoow oo ah Afhayeenka dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiil Xabashi Itoobiyaan ah ay duullaankan ka dhanka ah muslimiinta kasoo abaabuleen dhanka magaalada Jigjiga balse waxaa howlgalkan foosha xun fulinaya dagaal Ooge Cabdi Ileey oo ah dabadhilifka Xabashidu ku adeeganayso sida eeyaha oo kale.

Halkan ka dhageyso Afhayeenka Reer Shabelle oo ka hadlay Xasuuqa Shabelle MP3


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items