Daawo Video:Taliban oo Miino dhulka lagu aasay ku Burburisay Diyaarad Dagaal.

Thursday September 01, 2016 - 09:10:37 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video:Taliban oo Miino dhulka lagu aasay ku Burburisay Diyaarad Dagaal.

    Xarakada Islaamiga Taliban ayaa markii ugu horraysay qarax miino ku burburisay mid kamida diyaaradaha dagaalka isbaheysiga NATO ee dalka Afghanistan ku duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Islaamiga Taliban ayaa markii ugu horraysay qarax miino ku burburisay mid kamida diyaaradaha dagaalka isbaheysiga NATO ee dalka Afghanistan ku duulay.

Video ay soo saartay Taliban waxaa lagu daawan karaa diyaarad ay adeegsanayeen isbahaysiga NATO oo si cajiib leh u burburaysa kadib markii qarax uu dhanka dhulka ka haleelay.

Taliban waxay sheegtay in Miino dhulka lagu aasay ay ku qarxisay diyaaradda oo xiligaasi isku dayaysay in ay ka haaddo garoon melleteri.

Muuqaalka oo baraha Internetka lagu faafiya ayaa xiisa geliyay inta badan taageerayaasha Jihaadiyiinta iyo saxafiyiinta reer galbeedka.


Inta la ogyahay waa markii ugu horraysay oo qarax nucaas ah diyaarad dagaal lagu burburiyo tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 2-aad ee adduunka.

Dagaalyahanada Taliban ayaa ku naaloonaya khibrad dhanka dagaalka ah iyagoona si heer sare ah u adeegsanaya warbaahinta Internetka wararka ku faafisa.

Hoos Ka Daawo Video diyaaradda oo qarxaysa ama halkan Guji



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items