Dhageyso:Xarakada Al Shabaab oo Ka Hadashay Weerarkii Hotel SYL Digniinna Kasoo Saartay Qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dowladda Federaalka.

Tuesday August 30, 2016 - 18:59:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 6
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Xarakada Al Shabaab oo Ka Hadashay Weerarkii Hotel SYL Digniinna Kasoo Saartay Qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dowladda Federaalka.

    Hoggaanka Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saaray xaaladda ay marayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay ee weeraradii caasimadda ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saaray xaaladda ay marayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay ee weeraradii caasimadda ka dhacay.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir Jaraa’id qabtay ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay weerarkii weynaa ee maanta ka dhacay Hotelka SYL ee kaabiga ku haaya madaxtooyada Villa Somalia.

Xarakada Al Shabaab ayaa sidoo kale markii ugu horraysay war kasoo saartay qaadashada Kaarka aqoonsiga oo ay soo rogtay dowladda Federaalka.

Sida uu sheegay Sheekh Cali Dheere  Xarakada Al Shabaab ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda uga digtay qaadashada Kaarka aqoonsiga oo dhibaato dhan walba ah ukeenaya bulshada.


Al Shabaab waxay uga digtay bulshada in ay ku dagmaan shirqoolka dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha ah ee DF-ka iyo shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay ay soo maleegeen oo ah qaadashada Kaarka aqoonsiga waxa loogu yeero.


Xarakada ay sheegtay in ay beegsan doonto meel walba oo Kaarka aqoonsiga lagu qeybinayo waxayna shacabka Muqdisho ugu baaqday in ay ka fogaadaan isku imaatinada Dowladda ku sugantahay sida Hoteellada iyo goobaha kale.


Sh Cali Maxamuud Raage ayaa inta uu ka hadlayay howl galka waxa uu digniin u jeediyay dadka muslimiinta ee ku nool magaalada Muqdisho isagoo ku yiri "waad u jeedaan inaanan murtadiinta ku bad baadineyn meelna,mar haddii ay sidaas tahayna waa inaad ka feejignaataan meelaha noocaas oo kale ah kaga digtoonaada meelaha lagu jaro kaarar aqoonsiga waxa ay ku sheegeen oo laga leeyahay Ujeedooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan.

1-in dhaqaale ay ku raadsadaan murtadiinta kadibna ay dadka muslimiinta baahi ku dilaan hantidoodana ku raadsadaan jago iyo madaxtinimo gaaladana la isaga gado.

2 In Xogta iyo sirta muslimiinta ay u gacan galiyaan gaalada si dadka muslimiinta looga dhigo kuwo gacan ugu jira gaalada oo laga hayo faro,indho iyo wax la mid ah kadibna ay ku adkaato inay sameeyaan dhaq dhaqaaq sidaasna lagu cabiidsado.


  Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotel SYL iyo Ujeedkii Xarakadu ka laheyd.


Sheekha ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay mid kamida ciidamada Xarakada oo gaarigiisa ku beegsaday god ka mid ahaa godadka lagu dhibo muslimiinta oo ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Dawaaqiidda oo kala ah Wasiirada,Baarlamaanada iyo qeybaha kala duwan xubnaha dowladda sida uu hadalka u dhigay Sheekh Cali dheere.

"Goobta aan beegsanay waxaa lagu soo maleegayay shar iyo dhib ka dhan ah muslimiinta laakiin waxyaabihii la maleegayay wuxuu Alle nooga kaafiyay walaalka istish haadiga ah ee manta beegsaday hotlka SYL” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Shirka Jaraa’id ee Sh Cali ayuu sidoo kale ku faah faahiyay khasaaraha dhabta ah ee dowladda Federaalka ka gaaray howl galkii naf-hurnimo ee maanta, dhimashada askarta iyo saraakiisha ayuu sheekhu ku sheegay inay sii caga cageyneyso afartameeyo halka dhaawacuna uu ka badanyahay 70 qof.

Ugu dambeyntii wuxuu Sheekha ku adkeeyay inay ka cararaan oo aysan istaagin maqaayadaha,Hotelada iyo meelaha ay gabbaadka ka dhigtaan murtadiinta si ay kaga nabad galaan howl gallada Mujaahidiinta.


Halkan ka degso Shirka Jaraa'id ee Sheekh Cali Dheere MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items