Daawo: Aaladda Robot-ka oo loo Bedelay Qowsaar ilaaliya Xoolaha Nool Mar qura ayuu Geel Jire iyo Beer Fale Noqon karaa.

Monday August 29, 2016 - 20:26:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Aaladda Robot-ka oo loo Bedelay Qowsaar ilaaliya Xoolaha Nool Mar qura ayuu Geel Jire iyo Beer Fale Noqon karaa.

    Khubaro ku takhasusay arrimaha Tignoolijiyada oo u dhashay wadanka Australia ayaa hindisay wadiiqo cusub oo lagu hormarinayo tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khubaro ku takhasusay arrimaha Tignoolijiyada oo u dhashay wadanka Australia ayaa hindisay wadiiqo cusub oo lagu hormarinayo tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool.

Aaladda Robot-ka oo wadamada reer galbeedka loo isticmaalo adeegyada caadiga ah ayaa hadda loo weeciyay in laga dhigo qowsaar xanaaneeya xoolaha la dhaqdo.

Magaalada Sydne ee dalka Australia ayaa laga hirgeliyay adeeggan oo ay ku rakibanyihiin mishiino yaryar iyo aalodo casri ah oo Internetka ku shaqeeya.

Khubarada adeeggan soo hindistay waxay sheegeen in Robot-kan uu awood u leeyahay in uu ilaaliyo xoolaha nool sida Ariga iyo lo’da.


Robot wuxuu buuxiyay kaalintii qowsaarka ama Ari jirka/geel jirka sidoo kale wuxuu awood u leeyahay in uu beeraha ka ilaaliyo xayawaanada sida Daanyeerrada iyo doofaarka.

Maamulayaasha Australia waxay sheegeen in tani ay tahay tijaabadii ugu horraysay ayna ku guuleysteen, Robot-kan cusub ayaa awood u leh in uu dhax jibaaxo dhulka howdka ah isagoo hadba meeshii loo diro shaqo kasoo qaban kara.


Related Items