Howllihii shaqo ee Dekadda Muqdisho oo Hakad Kujira Kadib markii Dowladda Turkiga ay awaamir hor leh kusoo rogtay ganacsatada Soomaaliyeed.

Tuesday August 09, 2016 - 07:59:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Howllihii shaqo ee Dekadda Muqdisho oo Hakad Kujira Kadib markii Dowladda Turkiga ay awaamir hor leh kusoo rogtay ganacsatada Soomaaliyeed.

    Haba yaraatee wax shaqa ah kama socdaan dekadda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya kadib markii shirkad shisheeye oo Turkiga laga leeyahay ay awaamir adag kusoo rogtay ganacsatada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haba yaraatee wax shaqa ah kama socdaan dekadda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya kadib markii shirkad shisheeye oo Turkiga laga leeyahay ay awaamir adag kusoo rogtay ganacsatada.

Mid kamida ganacsatada badeecadaha kalasoo dega dekadda ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in ay joogsatay shaqadii dekadda oo hadda ay ku suganyihiin ciidamo iyo saraakiil Turki ah.

Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddi ay leeyihiin ganacsatada gobolka Banaadir ayay ku go’aansadeen shaqada haddii aan wax laga qaban lacagaha dheeriga ah oo ay dowladda Turkiga kusoo rogtay ganacsatada.

Shirkadda dabagalka badeecooyinka PGM oo Turkiga laga leeyahay ayaa halkii markab ee baroosimaha soo dhigta dekadda Muqdisho dul dhigtay lacag dhan $100,000 (Boqol kun oo dollar).


Ganacsatada ayaa diiday canshuurta adag ee ladul dhigtay taasi oo keentay in maalintii sedaxaad ay xirnaato dekadda caalamiga ah.

Halkii konteenar ayay PGM ku canshuuraysaa lacag dhan 70 dollar waana lacag xad dhaaf ah oo aaney awoodin ganacsatada soomaaliyeed.

Markab badeecado kasoo qaaday wadanka Imaaraadka Carabta oo ku xirnaa dekadda Muqdisho ayaa shalay gelinkii dambe u shiraacday dhanka dekadda magaalada Kismaayo.

Ganacsade codsaday in aanan magaciisa adeegsan sababa ammaan aawgeed ayaa SomaliMeMo u sheegay "shaqada dekadda Muqdisho waa joogsatay kadib kulan ay yeesheen ganacsatada gobolka Banaadir ayaan ku go’aansanay in aanan mar dambe wax kalasoo dagin dekadda inta wax laga qabanayo cabashada aan ka qabno shirkadaha dowlada Turkiga”.

Ganacsatada ayaa sheegtay in labada shirkadood ee dekadda maamula PMG iyo Albeyrak ay labaduba lacago kala gooni ah duldhigeen ganacsatada, "Lacagta 100-kun ee dollar ah ee shirkadda PMG soo kordhisay waxaa sii dheer canshuurtii shirkadda Albeyrak iyo cabshuurihii wasaaradda maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir sidaas daraadeed ganacsatadu ma awoodaan in ay sii wadaan adeegsiga dekadda caalamiga ee Muqdisho”ayuu hadlkiisa sii raaciyay ganacsade la hadlay SomaliMeMo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ganacsatada gobolka Banaadir ay wadahadal lagaleen Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubbaland isku magacaabay waxayna ku heshiiyeen in ganacsatadu maraakiibtooda u wareejiyeen Kismaayo.

Tallaabadan ayaa sicir bararka kusii adkeynaysa malaayiin qof oo kunool magaalada Muqdisho, shirkadaha Turkiga ee la wareegay dhaqaalaha dalka ayaa umuuqda kuwa dhuunta qabanaya nolosha shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa istaagay howlihii dhoofinta dekedda illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Federaalka oo ku aaddan xirnaashiyaha dekadda Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items