Video+Warbixin: Shirarka Ururka Jaamacadda Carabto Go'aamo Aan Fulin Laheyn Muddo 70 Sanadood ah.

Tuesday July 26, 2016 - 17:10:28 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Video+Warbixin: Shirarka Ururka Jaamacadda Carabto Go'aamo Aan Fulin Laheyn Muddo 70 Sanadood ah.

    Magaalada Nuwaakshood ee caasimadda Wadanka Muritaaniya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee Ururka dowladaha ku bahoobay jaamacadda carabta wareegiisa 27-aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaasha Carabta ayaa yeeshay Kulamo waqti lumis ah
Magaalada Nuwaakshood ee caasimadda Wadanka Muritaaniya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee Ururka dowladaha ku bahoobay jaamacadda carabta wareegiisa 27-aad.



Shirka Hoggaamiyaasha Carabta ee Nuwaakshood ayaa looga hadlayay ajanadayaal dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada iyo arrimaha Suuriya Ciraaq iyo Liibiya.

Dawaaqidda carbeed ayaa halku dhigga shirka ka dhigtay "Al-amal” oo macnaheedu yahay Rejo ama yididiillo.

Wariyaal ayaa soo sheegay in shirkan uu maray halkii ay mareen shirarkii hore mana jirin wax natiija muuqata ah oo kasoo baxay haddii ay kasoo baxeena lama filayo in la dhaqan gelyo.



Taariikha Shirarka Ururka Jamaacada Carabta iyo go’aamada aan la fulin ee kasoo baxay.

Markii ugu horraysay ee laqabto shir ay isugu yimaadaan Hoggaamiyaasha Ururka ku bahoobay Jaamacadda Carabta wuxuu ka dhacay
Qasriga anshaas magaalada Al-Qaahira ee wadanka Masar sanadku markii uu ahaa 1946 waxaana soo qaban qaabiyay boqorkii Masar ee xilligaas Boqor faaruuq.

Ajandaha shirkaasi looga hadlayay ayaa ahaa dajintii dadka Yahudda ee dhulka filasdiin oo xilligaasi si xowlli ah ku socotay.

Sanaddii 1959 Waxaa shirka lagu qabtay Magaalada Beyruut ee xarunta wadanka Lubnaan sanadkii

Sanaddii 1964 waxaa lagu qabtay magaalada Al Qaahira waxaa soo qaban qaabiyay Hoggaamiyihii Masar ee xilligaasi jamaal cabdi naasir
waxaana looga hadlayay hindise ahaa mideynta ciidamada dowladaha Carabta wuxuuna ahaa ajandaha kaliya ee dhaxalgalka ahaa balse nasiib darro lama fulin go’aankaasi oo hoggaamiyaasha carabta waxay ku mashquuleen cabidda casiirka iyo ku takri fallidda hantida dadweynaha.

sanaddii 1967 waxaa shirka Jaamacadda Carabta lagu qabtay magaalada Al-khurduum ee caasimadda wadanka Suudaan waxaana shirkaasi lagasoo saaray sedax qodob oo kala ah:-

1-Heshiis lalama geli karo israa’iil
2-lama aqoonsan karo Israa’iil
3-lalama hadli karo Israa’iil.

Dhammaan sedaxdaasi qodob hoggaamiyaasha carabta waa jabiyeen iyagaa aqoonsaday Yahuudda iyagaa wadahadal lagalay iyagaana la heshiiyay oo dhulka Filasdiin ugacan geliyay sida ku cad taariikhdooda madoow.

Sanaddii 1978 waxaa shirka Jamaacadda carabta lagu qabtay magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq, waxaana masar looga joojiyay martigelinta joogtada ah ee xarunta Ururka sababa la xariiria heshiiskii nabadda Kaam David oo ay la gashay maamulka Yahuudda sahyuuniyadda waxaana xilligaasi xarunta Jaamacadda Carata si KMG ah loogu wareejiyay wadanka Tuunis.

Sanaddii 1989 Shirka Jaamacadda Carabta waxaa lagu qabtay Magaalada Daarul Beydaa ee wadanka Al-maqrib (Marocco) mar kale dowlada Masar ayaa dib loogu celiyay marti gelinta xarunta Ururka.

Sanaddii 2002 waxaa shirka markale lagu qabtay Magaalada Beyruut
waxaa looga hadlayay ajandde uu soo agaasimay boqorkii Sacuudiga oo ahaa "dadaallada nabadda  carabta.

Sanaddii 2003 waxaa lagu qabtay Magaalada loo nasasha tago ee Sharamal sheikh waxaa lagu diiday duullaan ay Mareykanka iyo xulufadiisa ku qaadi lahayeen wadanka Ciraaq wuxuuna shirkaasi soo idlaaday 1,March 2003.

balse go’aankaasi waxba kama hirgelin oo 19 March ee isla sanadkaasi Mareykanka ayaa duullaan ku qaaday Ciraaq isagoona qabsaday wadanka oo idil.

Sanaddii 2013 waxaa shirka lagu qabtay Magaalada Dooxa ee wadanka Qadar waxaana lagu aqoonsaday in la aqoonsado waxa loogu yeero golaha Qaranka suuriya oo kooxaha mucaaradka ah leeyihiin, Hoggaamiyaasha dowladaha carabta ayaa xilligaasi kursiga Suuriya siiyay mucaaradka Suuriya balse laba sana kadib waxba kama fulintii go’aamadii dooxa.

Sanaddii 2015 markale waxaa shirka lagu qabtay Magaalada Sharma Alsheekh ee wadanka Masar waxaana dib loogusoo nooleeyay ajandihii Jamaal Cabdi Naasir oo ahaa mideynta ciidamada dowladaha Carabta! Isna wuxuu noqday mid waxba kama jiraan ah.

Hoos Ka Daawo Warbixin Muuqaal ah oo ku saabsan shirarka Jamaacadda Carabta




W/D Warfaa Kheyrdoon

Related Items