Xanafi…Maxbuus kashifay wajiga kuwii xabisay! W/Q E.Khaliif Muumin.

Wednesday March 30, 2016 - 19:19:21 in Wararka by
  • Visits: 15172
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Xanafi…Maxbuus kashifay wajiga kuwii xabisay! W/Q E.Khaliif Muumin.

    بسم الله الرحمن الرحيم HORDHAC: Ugu horreyn, anigu ma difaacayo Xasan Xanafi, mana u u shallaaynayo xaaladda uu ku jiro, sababtoo ah, Xasan wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadkii yaqaanay ay sheegayaan inuu Geesi ahaa, wuxuu aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Xanafi ayaa Jirdil iyo tacdiibin daran kala kulmay Sirdoonka DF-ka
بسم الله الرحمن الرحيم HORDHAC: Ugu horreyn, anigu ma difaacayo Xasan Xanafi, mana u u shallaaynayo xaaladda uu ku jiro, sababtoo ah, Xasan wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadkii yaqaanay ay sheegayaan inuu Geesi ahaa, wuxuu ahaa nin guluf dagaal ku jiray oo hadane si xun u dhaawacmay, waa nin qadarti ALLAH ay keentay inuu u gacan galay cadowgiisa; dhimasho, dhaawac iyo qafaal, waa wax laga fisho dagaallada.


Balse anigu waxaan difaacayaa Xaqiiqada anigoo u hiilinaya Taariikhda; way sahlan tahay hal maalin in wax leys diba mariyo, laakin ma sahlana in Taariikhda la marin habaabiyo, waayoo waxaa ii muuqanayay cadowgii Xasan iney ka fogaadeen waxa loo yaqaano sharafka dagaalka ama "شرف الخصومة” .



Aadanuhu hore way u dhex mari jirtay colaad waxa ay doonto ha ku qotontee, laakin sida uu Xasan ku sheegay Filimkii xalay aan daawanay, waa wax lala yaabo, qof Maxbuus kuu ah oo hadane loo meerinayo hadal, hadane isla hadalkaas ay kooxo shufto ah oo isku sheegaya warfidyeen ay doonayaan iney Taariikhda geliyaan.

Nasiib wanaag, Xasan isaga ayaa ka daba-tagay taas, haddii ay dili lahaayeenna waxaa hubaal aheyd in dad kale ay ka daba-tagi lahaayeen; Soomaali ayaa hore u tiri "Beenu Cimri Dheer ma leh”.

Jilidda Filimka

Sida la kashifay, doorka ugu weyn ee Filimkii laga soo duubay Xanafi waxaa lahaa saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka, waxaana xiiso laheyd in Xasan uu daaha ka qaadayo arrimo khatar ah oo kooxdii soo jishay Filimkan ay ka qariyeen dadweynaha, arrimahaas waxaa ka mid ah:-

1-Diyaarinta Filimka waxaa ka horeeyay Jirdil xooggan oo Xasan loogu geystay Xalane iyo Madaxtooyada

2-Qisooyinkii uu Xasan ka sheekeynayay dhammaan hore ayaa loo soo diyaariyay

3-Hadalka iyo erayada waa loo meerinayay ka hor inta aan la duubin

4-Sheekooyinka qaar waa la allifay, sida in loo dhiibay Taleefan oo laga duubay cod isagoo hanjabaya

Arrimahaas oo idil waxey muujinayaan in shuftidii Xasan heysatay iyo kuwii xukumay ay dhamaantood u baahnaayeen tallaabooyin dheeraad ah si ay ugu suuragasho hadafkoodii ahaa iney "danbiile” ka dhigaan dhibanaha oo ugu danbeyn ay la tiigsadaan Maxkmadda, ka dibna ay xukun dil ah ku ridaan.

Waxaa la is weydiin karayaa, Dawladda Federaalka kuma filneyn miyaa inuu Xasan ahaa nin Al-Shabaab ah oo la yaqaanay, ka dibna ay sidaasi ku xukumaan, halkii iyaga iyo warbaahinadoodu ay isku kallifi lahaayeen dacaayad intaas la eg oo hadane laga daba-tagay!

Si taas aan u ogaanno waxaa muhim ah inaan soo bandhigno danbiyada laga yaabo in Xasan loo qabsan lahaa ama ay suuragalka ay tahay in Maxkamad lagula tiigsan kari lahaa:

1-Xasan wuxuu ahaa nin ka tirsan Al-Shabaab

2-Xasan wuxuu ahaa nin Saxafi ah oo loollan dhan walba ah uu kala dhexeeyay saxafiyyiin badan

3-Xasan wuxuu ahaa qof Muslim ah oo u kifaaxayay in dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka

Qodobka Koowaad oo ah inuu Al-Shabaab ka tirsanaa way ku filneyd haddii ay ku adkeysan lahaayeen, laakin waxey og yihiin in Xasan muddo 6 sanadood ah uusan ka tirsaneyn Al-Shabaab, oo isagoo dhaawac ahina ay reerkiisu gacanta ku hayyeen, ayna la tacaalayeen.

Haddii Dawladda Federaalka ay ugu baaqi jirtay waalidiinta iney ubadkooda kala soo baxaan Al-Shabaab, maanta arrinkaas qofkii loo sheego waxaa u jawaabaya qoyskii Xanafi oo inta wiilkoodii Al-Shabaab kala baxay, hadane laga qaatay oo sidii badeeco seylad taalla oo kale loogu kala iibsaday Nairobi.

Qodobka Labaad oo ah in Xasan uu ahaa Saxafi loollan kula jiray saxafiyyiin kale wax danbi ah kuma lahaan karo sababtoo ah waa wax lagu yaqaano xirfadda Saxaafadda.

Inta aan taas ka bixin, waxaa la is dhihi karaa, Ninkaan isaga ayaaba saxafiyyiin dilay!

Hagaag, Ma ogtahay waxa kaliya ee Xasan loo heystay iney aheyd tuhmad oo caddeyn aysan jirin?

Sababtoo ah Tuhun wuu jiri karaa, waxaana la tuhmi karaa qof aan danbi gelin iyo qof danbi galay, balse waxaa lagu kala baxayaa waa caddeymo oo kaliya!

Ma ku filan tahay caddeyn, codadkii jirdilka looga duubay Xasan ee loogu meeriyay Filimka?.

Waa kuma qofka marqaatiga ka ah halkii uu Xasan dilka ku geysanayay?

Hal arrin oo Xaqiiq ah way ka hoos baxday iney qariyaan shuftadii Filimka soo diyaarisay, xaqiiqdaas oo ah in Xasan marna uusan gacantiisa dil ku geysan, haddii arrinkaas uu yahay mid aan wada hubno sideen ku qaadanaa codadka Xasan laga duubay oo shaki laga muujiyay markii hore, haddana ay soo caddaatay in lagu amray inuu iska dhigo qof hadlaya oo qiranaya ka dibna laga duubay!.

Cumar Faaruuq iyo Xasan Xanafi

Bishii December 2009-kii, ayaa wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cabdul Mudhalib wuxuu isku dayay inuu qarxiyo dayuurad Mareykanka ku sii jeedday, balse uma suuragalin, isagiina waa la qabtay.

Inanka yar oo Nigerian ahaa, ayaa Maxkamad lagu soo taagay Mareykanka, wuxuuna qirtay dhammaan danbiyadii lagu soo eedeeyay isagoo laakin u dhigaya si aysan Maxkamaddu dooneyn oo aad loola yaabay.

Wuxuu yiri Cumar "Hub waan qaatay, waayoo Shareecada Islaamka ayaa na fartay inaan hubeysnaano, Colaad ayaan idin haayay waayoo Shareecada ayaa na fartay in colaad loo qaado gaalada, Waan idin dili rabay waayo Shareecada ayaa na fareysa qofkii na dilaaya inaguna in aan dilno, waxaan ka tirsanahay "Argagixisada” waayoo magacaas waxaa u taqaanaan qof kasta ee doonaya in Shareecada lagu dhaqmo, anigana Shareecada in lagu dhaqmo ayaan rabaa”!

Markuu intaas ka sii daayay Cumar Faaruuq ayaa ku sii daray hal xaqiiq oo muhim ah, wuxuu yiri "Haa danbiile ayaan ahay marka loo eego Sharciga Mareykanka, Balse Halyeey Mujaahid ah ayaan ahay marka loo eego Shareecada Islaamka”.

Maxkamaddii Mareykanka waxa waji-gabax ku noqday hadallada uu wiilka yar ka uu sheegay, waayoo ma doonayaan in xaqiiqdaas la ogaado oo wajigooda dhabta ah daaha laga feydo.

Hadda, maamulka Dawladda Federaalka iyo Shuftooyinka Ajaanibta ah ee meesha ku hayya ma doonayaan iney soo shaac baxdo Xaqiiqada ah iney Shareecada la dirirayaan, sidaa darteed waxaas oo juhdi ah ayay ku bixiyeen kiiska Xasan oo ay ka soo sameeyeen Filim lagu daalayo oo nasiib xumadooda ay diyaariyeen dad aan saxaafadda khibrad weyn u laheyn, kuwaas oo qalalaad waaweyn oo dhanka Saxaafadda ah galay, laakin halkan ma ahan meesha aan ku qaadaa dhigi karno.

Kiiska Xasan wuxu wax yar kaga duwanaan karaa kiiska Cumar, in Xasan aan lagu qaban isagoo ku guda jira "fal-danbiyeed”, sidaa darteed way mudan tahay Xasan inuu yiraahdo "Haa, Sharcigiina xittaa igu heli meysaan danbi cad, kan Islaamka-na waxaan ahay Halyeey Mujaahid ah”.

Codadka Marqaatiga

Arrinka aadka fadeexadda u ah ayaa noqonaya codadka inta Xasan Xanafi laga duubay hadane Maxkamad lagula tiigsaday, inteennii Video-gii Xalay daawatay, wuxuu Xanafi qirayaa in mid ka mid ah wariyeyaasha Maamulka Federaalka uu la hadlay, oo lagu amray inuu iska dhigo sidii nin u hajnabaya, laakin khibrad la’aanta kii uu la hadlayay ayaa keentay inuu ku hadaaqo oraahyo markii horeba dadka shaki geliyay sida isagoo iska dhigayay maalin uun inuu sugi doono Xasan oo "Cadaaladda” hor taagan inuu arko!.

Ehellada Xasan Xanafi oo Aabihiis uu ka mid yahay ayaa hadda jooga magaalada Muqdisho, kuwaas oo la yaabay marqaatiga codadkaan beenta ah, ka dib waxaa fadeexo ka dhacday hadane in 3-dii nin ee marqaatiga aheyd ay daah gadaashiis ka soo hadleen, hadane 3-dooda midkood wuu dhihi waayay anigaa arkay Xasan oo gacantiisa wax ku dilaya.

Sida uu Xasan u sheegay asxaabtiisa qaar, 3-daas nin codadkooda wuu aqoonsaday wuuna magacaabay inkastoo ay isku dayeen iney is qariyaan.

Nin Abwaan ahaan jiray, oo 2006-dii dhac-dhac iyo luf-luf ka raadsan jiray Islaamiyyiintii uu Xasan Xanafi ka mid ahaa ayaa ku jiray dadkii marqaatiga iska dhigay!.

Video-yada hadda la faafiyay, oo u muuqanaya in la duubay ka hor intii aan mar kale la xukumin Xasan, ayaa laga yaabaa iney wax badan sii kashifaan si taariikhda looga ilaaliyo marin habaabinta.

Ugu danbeyn: 2 arrimood ayay sameeyeen shuftada ku lugta leh kiiska Xasan Xanafi si ay u xaqiijiyaan xukunka dilka; ugu horreyn waxey sheegteen in iyagu ay soo qabsadeen ninka, balse xaqiiqdu waxey tahay in ciidanka Kenya ay soo qabteen Xasan oo xanuunsanaya, ehelkiisuna ay heystaan.

Marka labaad waxey ka soo duubeen codad been ah oo qiraal ay uga dhigeen ninka, halka waxyaabihii loo heystay dhammaan aysan dhaafsaneyn tuhmad oo kaliya; qof maxbuus ah oo la garaacay oo sidaan ii dheh lagu amray ayay marqaati qiraal ah ugu adeegsadeen dacwaddiisa!.

Mar haddii xaqiiqooyinkan la kashifay, dad badan waxaa u furan iney is weydiiyaan, xeerarka dawladda Federaalka ma qolo gaar ah iyo qabiillo gooni ah ayay qabataan?.

W/Q Engineer Khaliif Muumin

E-mail: [email protected]


Related Items