AKHRISO: Bayaan Muhiim Ah oo Kasoo Baxay Maamulka Shabakadda Warbaahinta SomaliMeMo.

Friday August 26, 2016 - 08:59:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Bayaan Muhiim Ah oo Kasoo Baxay Maamulka Shabakadda Warbaahinta SomaliMeMo.

    Maamulka Shabakadda Warbaahinta SomaliMeMo ayaa Bayaan Muhiim ah kasoo saaray howsha warbaahineed oo ay shabakaddu u heyso bulshada soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Shabakadda Warbaahinta SomaliMeMo ayaa Bayaan Muhiim ah kasoo saaray howsha warbaahineed oo ay shabakaddu u heyso bulshada soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa uqornaa sidaan

بسم الله الرحمن الرحيم

BAYAAN LA XIRIIRA HOWSHA SHABAKADDA SOMALIMEMO.

ALLAH swt ayaa ku mahadsan in Shabakadda Wararka ee SomaliMeMo ay sanadkii 7aad gashay iyadoo ay howladeenadeenu ku shaqeynayaan duruufo kala duwan, ayna usoo tabinayaan Umadda Soomaaliyeed -dal & dibad- xaaladaha ka jira dalka hooyo.



Halku-dhiggeena ah "WARARKA SUGAN EE DUNIDA IYO DALKA HOOYO" ayaa astaan u ah howsha aan u heyno bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha ee aad u daneyneysa iney la socoto isbadallada siyaasadda dalka, horumarka ganacsiga, caqabadaha iyo dhibaatooyinka jira, iwm.

Gudaha Soomaaliya in laga helo "WARAR SUGAN" ayaa u baahan halgan adag, in wararkaas hadane si tifaftiran Umadda loogu soo gudbiyo ayaa u sii baahan halgan kale, waxaana dhihi karnaa in howlwadeenada Shabakadda SomaliMeMo ay si muuqato uga soo baxeen labada halgan, ayna ka miro dhaliyeen.

Shabakadda SomaliMeMo waxey 7 sanadood ka hor isu-taagtay iney buuxiso kaalin warbaahineed oo Soomaalidu tabeysay, maqaam saxaafadeed oo aad loogu oon-qabay iyo Saxaafad si dhiifoon uga hadasha, una soo gudbisa dhacdooyinka dalka Hooyo.

Waan ogeyn in cawaaqibta arrimahaas ay adkaan doonto; sababtoo ah dalka ayaa ku jira gacan shisheeye oo aan marna dooneyn bulshada Soomaaliyeed iney ogaato masawirka dhabta ah ee xaaladda dadka iyo dalka.

Mahadi ha ka gaartee -ALLAH- ka dib, howlwadeenka Sare ee Shabakadda SomaliMeMo ayaa u jeexay mareegtan siyaasad warfidineed oo qallooc iyo xeyf laheyn, si toos ah u abbaarta xaqiiqda iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo kuwa qurbaha ka haqabtireysa baahida ay mar waliba u qabaan wararka dalkooda Hooyo.

Waxaan kale oo u mahad-celineynaa bulsho-weynta SomaliWeyn meel kasta oo dunida dacalladeeda ay ka joogaan, aqoonyahannada, Asaatidada, Waxgaradka, Culimada iyo Ardayda oo nala wadaagayay talooyinka dhaxalgalka ah ee horumarinta Shabakadda, isla markaana nagu dhiiro-gelinayay howsha aan u heyno shacabka Soomaaliyeed.

Dhiiro-gelintaas ayaa sababtay in Shabakadda SomaliMeMoay howsheedii wararka ku soo darto adeegyada kale ee bulshadu u baahan tahay, sida Dhiiro-gelinta Ganacsatada & Ganacsiga dalka iyo Waxbarashada.

Xilligan oo Shabakaddeenu ay 7 sano jirsatay waxaan adkeyneynaa oo ku celineynaa Siyaasadda aan ugu adeegno Umadda Soomaaliyeed.

1-Shabakadda SomaliMeMo waa qalab warbaahineed oo madax banaan, una taagan soo gudbinta wararka sugan ee dunida iyo dalka hooyo, iyadoo dhowreysa anshaxa saxaafadda.

2-Shabakadda SomaliMeMo ma hoos tagto Urur, Koox, Dawlad ama dhinac ka mid ah dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, sidaas darteed:-

·Warbaahinada Caalamiga ah ee soo xiganaya Shabakadda SomaliMeMo waxaan ku tartarsiineynaa ineysan inoo tiirin war ama xog aan inagu aheyn "Isha" ama "Source-ga" saxda ah ee warkaas.

·Shabakaddeenu ma matasho, mana ku hadasho afka Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

3-Shabakadda SomaliMeMo waa minbar ay Soomaali leedahay, una furan bulshada Soomaaliyeed, waxaana soo dhaweyneynaa qoraallada aqoonyahannada iyo fikradda dadka nala soo xiriira.

4-Marna kama waabaneyno howsha aan u heyno bulshada Soomaaliyeed, inagoo dusha u ridaneyna taxaddiyada hor taagan howlaheena.

--------> Dhamaad <---------

Related Items