Gobanimo bilaash laguma helo. W/Q Wariye Cabdullaahi Soomaali.

Monday October 26, 2015 - 11:45:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 16
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Gobanimo bilaash laguma helo. W/Q Wariye Cabdullaahi Soomaali.

    Xilliga gumeystuhu awood ciidan qolo ku muquuniyo sama doonka hadafkiisu yahay dalkiisa iyo dadkiisa oo xorooba wuxuu guntiga u dhuuqsadaa sidii uu heeryada la saaray umaddiisa uga geddi lahaa asigoo qaadaya tilaabo walba oo habboon horseedna u noqon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilliga gumeystuhu awood ciidan qolo ku muquuniyo sama doonka hadafkiisu yahay dalkiisa iyo dadkiisa oo xorooba wuxuu guntiga u dhuuqsadaa sidii uu heeryada la saaray umaddiisa uga geddi lahaa asigoo qaadaya tilaabo walba oo habboon horseedna u noqon karta xoriyad loo aayo.

qofku wuxuu noqon karaa dagaalame maarta dusha u saartay in uu wiiqo cudadda isticmaarka.

wuxuu noqon karaa wariye ama aftahan bulshada kicinaya kuna dhiiri geliya in ay hiigsadaan yoolka fog ee wadada qodxaha iyo dhagaxa badan loo marayo.

hadduu aqoon diineed leeyahay bulshada wuxuu bulshada fari karaa jihaadka Allaah ku waajib yeelay iyo in ay ka dheeraadaan ciqaabta ka dhalaneysa haddii la baal maro ama laga gaabiyo jihaadka.



wuxuu dhiibi karaa dhaqaalaha oo lagama maarmaan u ah qolo kasta oo jihaadeysa maxaa yeelay hubka, rasaasta, gaadiidka, shidaalka, cunada ciidanka, iyo wax kasta oo aad u baahato oo laga yaabo qaarkood in aad suuq madow ama koontara baan ku soo iibsato waxaa qasab kagu ah in aad hesho qarashkii aad ku soo gada lahayd.


qodobka ugu muhiimsan waqtiga gumeyste lala dirirayo waxa weeye in bulshada adoonsi diidka ahu isku xirnaato haddii taasu hirgashana istcmaarka waxay uga dhigan tahay nin daad soo fatahay ama webi kar kaarada soo jebiyay aqalkiisi qariyay ama ka sare maray oo cagaha dhulka la waayay.

isku mowquf noqoshadu waxay xagal daacineysaa cadawga tabartiisa iyo tabihiisa gurracan ee juhdiga iyo hantida uu ku bixiyay si uu adiga kuu yeesho xoolahaadana lagula wareego.

waxay hal bacaad lagu lisay ka dhigeysaa ahdaaftiisa qodatada dheer geesta kalena waxay soo dedejineysaa guulo dulmanayaasha rara gubooday ku tilaabsadaan.

waxay dhiir gelinaysaa oo ay hamigiisa kor u qaadeysaa kii yara niyad jabsanaa ama aragtidiisu tusay in ka mira dhalinta dagaal gumeystaha ka dhan ahu adag yahay.

muruqa, maalka iyo maskaxda la gumeystayaasha oo la mideeyo ama la isu geeyo waxay abuuri karaan awood baaxad leh oo u babac dhigi karta ama ka sareysa tii dhagar qabayaasha dhiig ku naaxyada ah ee sidii dameer in ay dad nool u dhaansadadaan riyadoodu tustay.

dagaalka iyo isku duubnaanta cadawga ka ka dhan ah waxay fure u yihiin guusha ha dhawaato hase dheeraata’e
isku dayada amaba halgan aan waxba lala harin ayaa keenay in wadamo badan oo loo diidanaa madax banaani aakhirki kuwii dusha ka saarnaa ilmahoooda ka fuushadaan iyadoon abaal looga hayn, ha yeeshee doqonta hogata ee gorodda laalaadisaa waxay cimrigeeda ku laysataa dullinimo iyo ihaaneysi.


qeybi oo xukunta gumeystaha.


si aan loo helin quwad lid ku ah oo af iyo adin ugu dhaq dhaqaaqda xaquuqda kuwa dulman gumeystuhu wuxuu isticmaalaa xeeladu kala duwan asigoo kaashanaya khiraddiisa uu ka dhaxlay qolyahii asiga ka horreeyay ee ku caana maali jiray isticmaarsiga ama adoonsiga.

wuxuu tabcadaa adeegayaal danihiisa si toos ah iyo si dadbanba uga shaqeeya kuwaasoo jagooyin iyo hunguri loogu bedelay howl dhagareedka ay har iyo habeen u soo jeedaan.

wuxuu bulshada u qeybiyaa hadba intuu kari karo ama awoodo dhanka kalena wuxuu ka dhex abuuraa colaad si aanay kolna isugu calool fayoobaan oo aanay u haweysan in ay asiga iska caabiyaan.

waxaanu marqaati ka ahayn Itoobiya oo soomaalida ay waayada badan gumeysanaysay iyo tan kaleba isugu dhiibeysa hubka sida ba’an wax u gumaada qolo walibana madaxa u salaaxaysa iyadoo u sheegeysa in ay xaq ku taagan tahay.

haddii koox libaaxyo ah oo baahan lagu dhex tuuro cad hilib ah kuma heshiiyaan sidaas oo kalena wuxuu cadawgu madasha keenaa ama bulshada dhex dhigaa wax in ay isku af gartaan ay lama sugaan tahay tusaalena waxaa noogu filin federaalka maanta soomaalida lugta iyo luqunta la isugu suray.
talo soo jeedin.

nin soomaaliyeed baa waxaa laga hayaa in uu yiri "markaan tabar hayay talo ma hayn, haddoon talo hayna tabar ma hayo”.

micnaha maah maahdu ximbaarsan tahay mid aad u weyn waxaana loola jeedaa in taladu ku anfaceyso markaad awood u leedahay.
haddi tabar waa haynaa ee yaanay tlaada naga xumaan si aynaan goor middiyo calool ku tagtay u shalaayin.

Soomaaliyay maanta dad iyo deeq iyo dab (hub) intaba waa haysanaa gobanimana tuug laguma helo, wax xoog lagaaga qaatana xoog baa lagu doontaaye cidna baryo kagu siimeyso,gaalana gar la qabta malahan ee gafuur la tumey leedahay, ee walaalayoow nin seexday saciis diba dhal weeye xaajaduye xarbi jihaad ah u u tafa xeyta.

waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa tudacyo qeyb ka ahaa gabay aan horay u tiriyay kuwaasoo ka hadlaya qaabka xoriyad loo difaacdo iyo heerka maanta soomaalidu mareyso iyo waxa la gudboon.

soomaalidaan basaastee harkii boobi cadawgeedu,
ee bad weyn ku sii hooban baan baaq u diriyaaye,
Gobanimo bilaash lagumo helo amase been beene,
Nina uma bad baaddo asoon dhiig bixineyne,
barqaa lala wareegaa haday beylah noqotaaye
Barbaar lagu dicaafey rabtaa iyo banaadiikh’e,
Adinkuna bushi iyo cuqdaad beyd u noqoteene,
Berrinkii gabyaalada iyo weliba booskeedi,
Mid waliba bugcuu degay intuu buuray dacalkiiye,
Bur burkiyo khilaafaadka yuu sii bacrimiyaaye,
Buddiisii midkii qoda hayoow baalka geliyaaye,
Kan u baarigaahuu xumaan ula bareeraaye,
Maba baran inuu boowihii bari gentaalaaye,

Walaalahihii kala beyra waa baraq nuglaadaane,
Bel bel iyo walaac daran iyo boohin iyo kheylo,
Boholyoowma daayaan iyo buuqa weligood’e,
Ku bohooba diintiina waa lagu bilmayaaye
Kufrigana in aad baacsataan baadinka u sheega.


W/Q Cabdullaahi Yaasiin Jaamac C/llahi Soomaali

Related Items